DABINKA LOO DHIGAYO DOWLADDA CUSUB.

 


Tan iyo markii la doortay dowladda cusub ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud waxaa jirtay laba arrimood oo aad loo hadal hayo kuwaas oo dowladda cusubi sheegtay in ay si degdeg ah wax muuqda uga qaban doonto. Waxayna kala yihiin; Duullaan ka dhan ah Alshabaab oo durba abaabulkiisu dowladdu bilowday. Iyo Dib u habeynta xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya la leedahay dowlahada caalamka gaar ahaan dowladaha dariska.


Labadaan arrimood waxa ay dareen weyn iyo cabsi ku abuureen labo qolo oo kala dan ah mararka qaarna duruuftu mideyn karto. Waa kooxda Alshabaab oo fahamsan in duullaan xoog lihi kaga soo wajahan yahay dhanka dowladda cusub iyo qaar kamid ah dowladaha dariska ah oo runtii iyaguna kala dan ah balse shaki weyn ka qaba siyaasadda dowladda cusub ee ku aaddan geeska afrika. Waxaana durba bilowday dhaqdhaqaaqyo u eg in ay si isugu xiran yihiin lana doonayo in lagu mijaxaabiyo laguna cuuryaamiyo isku dayga iyo siyaasadda dowladda cusub ee ku aaddan labada qodob ee aan kor ku xusnay. Dadka wax qora qaarkood ayaa tuhmaya in dhaqdhaqaaqyadan ay qeyb ka yihiin siyaasiyiin Soomaali ah. Sidoo kale waxaa jira qaar kamid ah dowlad goboleedyada dalka oo lagu riixayo in ay qeyb ka noqdaan qorshahan lagu cuuryaamiyo dowladda cusub.


Si ficil loogu beddelo dhaqdhaqaaqyadan, Itoobiya waxa ay qorsheyneysaa in ay xoojiso tirada iyo tayada ciidanka ka jooga Soomaaliya si gaar ah aagagga Koofur-Galbeed, Hirshabelle iyo Galmudug ayna abuurto cudud ciidan oo gaashaan u noqon kara sii jiritaanka xukunka hoggaamiyeyaasha saddexdaa dowlad goboleed, si gaar ah Abdiasis Laftagareen iyo Axmed Qoorqoor oo labadooduba ka tirsanaa saaxiib dhawna la ahaa dowladdii talada banneysay ee uu hoggaaminayey Madaxweyne hore Maxamed C. Farmaajo kaas oo isbaheysi buuxa isna la ahaa Addis Ababa iyo Asmara. Haddaba Itoobiya si ay ciidamo usoo galiso gudaha Soomaaliya waxaa la abuuray duullaanka Alshabaab ee gudaha Itoobiya si arrinkaasi jid ugu furo marmarsiiyana ugu noqdo soo galitaanka ciidanka Itoobiya ee gudaha Soomaaliya, iyada oo ku doodeysa in ay iska fogeynayaan Alshabaabta dalkooda soo weerartay, sidaasna ciidamada Itoobiya xarumo uga sameyntaan gudaha saddexda dowlad goboleed ee sare ku xusan.


Dhanka kale, Itoobiya oo isbaheysi la heyd dowladdii talada lagala wareegay garab buuxana u aheyd, waxa ay durba ka didday shakina ka muujisay aragtida siyaasadeed ee hoggaanka cusub ee Soomaaliya. Kaas oo ugu muuqday in uusan sidii dowladdii hore garab iyo gaashaan u noqon doonin. Tuhunkaas ay Itoobiya ka qaadday nidaamka cusub ee Soomaaliya waxaa sii xoojiyey safarkii madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheikh uu ku tagay Caruusha daaru-salaam uuna ku codsaday in Soomaaliya ay ku biirto dowladaha bulshada bariga Afrika (EAC) tallaabadaas oo Itoobiya ugu muuqatay in meesha ka saareyso Isbaheysigii kal hore ay wada dhisteen Muqdisho, Addis Abab iyo Asmara. Sidoo kale waxaa Itoobiya walaac kii hore ka daran ku abuuray safarka madaxweynaha cusubi ku tagay Qaahira – Masar. Arrimahaan oo dhan waxa ay xoojinayaan dhaqdhaqaayada Addis Ababa hormuudka u tahay ee sida hoose haatan loo karinayo laguna cuuryaaminayo nidaamka cusub ee Soomaaliya ka hana qaaday.


Damaca Itoobiya & Damanaanta Madaxda Soomaalida


Shacbiga Soomaaliyeed ayaa markasta dareen xoog leh ka qabay qaar kamid ah dowladaha dariska ah in aysan raalli ka heyn in kooxda Alshabaab laga cirib tiro Soomaaliya. Sidoo kale Itoobiya iyo siyaasaddeeda ku aaddan geeska Africa, Soomaalidu waxa ay ka aaminsan yihiin in aysan marna Addis Ababa aqbaleynin dowladnimo sal adag oo ka dhalata gayiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaalida, si arrinkaasi ugu hirgalana waxa ay markasta saameyn aan qarsooneyn ku yeelan jirtay maamullada dalka ka jira oo ay hagardaamooyinkeeda usoo xambaarin jirtay kana horkeeni jirtay hoggaanka dowladda  federaalka Soomaaliya.


Haddaba, madaxweynaha Cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud oo markii labaad doorasho baarlamaani ah kusoo baxay ayaa loo arkaa hoggaamiye faham fiican ka heysta siyaasadda gobolka lehna bisayl siyaasadeed waxaana lawada eegayaa sida uu uga dabbaasho una maareeyo dabinka loo dhigay dowladda uu hoggaamiyo.


Aragtidaada hoos noogu reeb👇

WQ: Axmed Siigaale

Siigaale000@gmail.com


Post a Comment

Previous Post Next Post