Gabay: Xakamee Xawaaraha!


Gabaygaan hoose waxa uu ka hadlayaa dulmiga iyo awood sheegashadu in aysan sax aheyn, oo qofina xukun iyo saldano uusan ku gaari kareyn. Sharciga Eebe iyo xeerarka bulshooyinku dhigtaanna yihiin waxa kaliya ee dal iyo dad dan wadaag ah kala badbaadin kara oo qof kastaa dowga u bannaan ku hagi karaya.

Marka aan Soomaaliya joogno, hore ayaan usoo aragnay in aan xooggu talin karin, dadkana xarig, weerar iyo cabsi galin toona aan waxba looga qaadi karin. Waayo; dowladdii ina Siyaad Barre ayaa si ay xukunka iyo talada usii joogto dad badan u leysay oo Soomaaliya gees illaa gees dullaan sokeeye ku ekeysay.

Dhacdooyinka Soomaaliya ka dhacay intii u dhexeysay 1969 illaa 1991 ama wixii ka dambeeyey waxa ay na bareen in Soomaalidu marna aysan qaadan quursi, awood sheegasho iyo in magaca dowladda lagu dulmiyo, isku dayadaas hore loo sameeyeyna ay fashil kusoo wada dhammaadeen ugu dambeynna dowladnimadii Soomaaliya ayey salfadeen.

Gabaygaan kooban waxaa la yiraa “Xakamee xawaaraha”! Wuxuuna soo baxay 31 December 2017, kaddib markii dowladda Madaxweyne Farmaajo ee Raisul-wasaaraha uu ka yahay Xasan Cali Khayre ay si sharci darro ah isla markaasna xeerka, dhaqanka iyo anshaxa Soomaaliyeed iyo Diintaba baal marsan u weerartay guriga Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, halkaasna ay ku laayeen askar iyo shacab Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan, isagana (AAW) dhaawac iyo xarig isugu dareen, arrinkaas oo shacabka Soomaalidu aad uga giigay ugana horyimaadeen.

Gabaygu wuxuu leeyahay:

Xeerkiyo Dastuurkaa

Lagu xukun tamaayoo

Dadka kala Xadeeyee

Xiska gali tilmaantaa

Haddii xooggu talin laa

Ama xayn is wadataa

Dadka wada xirxiri laheyd

Hargaysaan Xukumi lahaa

Xisbigii Kacaankee

Xilli talada hayn jiray

Dadka soo xirxiri jiray

Xogtoodii ma heysaa?

Xoogga Ciidankii jiray

Xeesha Jannano waaweyn

Xoog waxay lahaayeen

Xaggee bay xoreeyeen

Dib u eeg Xusuusaha

Malaa waad xawilantee

Dadka soo Xan weydii

Sidee Xaal ahaan jiray!

Ninkan Xiimayow joog

Xisaab waa dambeysaa

Xakamee Xawaaraha

Inta Xaalku ladan yahay

Xilka Guudka kuu suran

Magacayada xariita ah

Xushmadiyo karaamada

Ha iska xoorin Wiilyahow.!

Axmed Siigaale

Siigaale000@gmail.com 

Post a Comment

Previous Post Next Post