Galmudug maxaa gaabiska ka yeelay!

Madaxweynihii hore Galmudug oo xilka ku wareejinaya madaxweynaha cusub Axmed QoorQoor

70 Maalmood kaddib doorashadii Madaxweyne Axmed Qoorqoor waxaa muuqata tallaabooyin aad uga geddisan kuwii horee Galmudug ku habowday ee 4sano gabaahiir cidlo ah dhigtay hankii iyo himilladii bulshada Galmudug, waxaana isi soo taraya ammaanta loo jeedinayo hoggaanka cusub ee Galmudug taas oo uu ku muteystay tallaabooyinka wax ku oolka ah ee ka dhacay Galmudug, iyadoo ay dhinac socoto talooyinka ka imaanaya dadka laxow jeclada badan u haya Dowlad Goboleedka Galmudug.

Haddaba si loo xaqiijiyo loona sii amba qaado geeddi socodka cusub ee Galmudug rajada bilowga ahna loo rumeeyo waa in hoggaanka iyo shacabka Galmudug maanka ku hayaan halistii cuuryaamisay hoggaankii horee Galmudug taas oo aheyd khilaafka aan dhammaan ee u dhexeeyey madaxdii talada haysay kuna saleysnaa damicii iyo doonistii gaarka aheyd ee qof kasta gaarka u rabay. Arrintaas oo mudan in hoggaanka maanta aad uga fiirsadaan si mar kale dabinkaas loogu dhicin sanado kalena uga lumin shacabka iyo dowladda Galmudug.

Galmudug 4tii sano ee hore

Bartamihii 2015 ayay aheyd markii salka loo dhigay Maamulka  Galmudug kaas oo ay dhismihiisa ku midoobeen 11ka beelood ee ood-wadaagta ku ah Gobollada Mudug iyo Galgaduud, marka laga soo tago tabashooyin beelaha qaarkood ka qabeen qeybsiga kuraasta haddana 95% natiijadii kasoo baxday dhismihii maamulkaas mid lagu qancay ayay noqotay.

Durabadiiba maamulkii Galmudug waxa uu wajahay caqabado waaweyn oo isugu jira mid dhaqaale, amni iyo Bulsho kuwaas oo ay ugu weyneyd Maamulkii wadaaddada Ahlu Sunna ee gacanta ku hayey Caasimadda Dhuusamareeb, iyagoo si aan ka fiirsi laheyn u diiday in ay qeyb ka noqdaan kuna biiraan maamulka Galmudug ee markaa curdinka ahaa. Sidoo kale caqabadaha durba uu maamulku ka lug qaadi waayey waxaa kamid ahaa dhaqaalo la’aan maadaama Galmudug oo markaas aasaasantay aysanba jirin wax ilo dhaqaale ah oo howlaha Maamulka lagu socodsiiyo. Isha kaliya ee dhaqaale ahaan Galmudug ku tiirsaneyd ayaa aheyd dowladda dhexe oo iyana kabid ahaan u siin jirtay $150,000 (Boqol iyo konton oo doolar). Kooxda Alshabaab oo iyna qeybo badan oo bariga iyo koorfurta galmudug kamid ah gacanta ku haysey ayaa iyana aheyd caqabad weyn oo jirtay walina taagan.

25 bisha February 2017 duruufo caafimaad oo ku yimid waxaa xilkii madaxweynenimo iska casilay madaxweynihii Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed, arrinkaas oo dhabaha u xaartay in 03 May 2017 Axmed Ducaale Geelle Xaaf loo doorto Madaxweynihii 2aad ee muddo laba sano gudohood ah Galmudug yeelato. Tallaabada ugu weyn ee Madaxweyne Xaaf ku guuleystay doorashadiisii kaddib ayaa aheyd in uu u soo guuray caasimaddii Galmudug ee Dhuusamareeb kaddib heshiis uu la gaaray wadaaddadii talada Dhuusamareeb gacanta ku hayey.

Imaanshiyihii Xaaf ee Dhuusamareeb iyo heshiiskii uu la gaaray wadaaddada waxa ka biyo diiday oo khilaaf hor leh uga baxay Dhuusamareeb Guddoomiyihii Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir, Madaxweyne ku xigeenkii Xaaf ee Maxamed Xaashi Carrabeey iyo inta badan 89kii xubnood ee baarlamaankii Galmudug kuwaas oo saldhig ka dhigtay Cadaado ugu dambeyna sheegay in ay Axmed Baasto u doorteen Madaxweyne.

Afar (4) sano ayaa u buuxsantay Galmudug iyadoo uu jiro khilaaf majaha qabtay Dowladdii curdinka aheyd rajo beelna ka dhigay hankii iyo horumarkii laga sugayey dhismihii Dowlad Goboleedkii cusubaa ee Galmudug. Dowladdii dhexe iyo Madaxdii Galmudugna ku kula aragti duwanyihiin muddo xileedka Madaxdii talada heysay ee uu ugu weynaa Axmed Ducaale Geelle Xaaf. Si kastaba waxaa markale khilaaf sababay in Madaxweyne Xaaf isaga baxo Dhuusamareeb uu ka dhex qarxay isaga iyo wadaaddaii talada Dhuusamareeb gacanta ku hayey, khilaafkaas oo soo dedejiyey in Wadaaddadii la heshiiyaan Dowladda Dhexe Xaafna dhabarka u jeediyaan.

Oggolaasho ay ka heshay dhinacyadii is khilaafsanaa ee hoggaanka Galmudug isku heystay Dowladda dhexe waxa ay ku dhawaaqday in Galmudug loo dhiso maamul loo dhanyahay isla markaasna matala dadka ree Galmudug, arrinkaas oo dad badan yididiilo ku abuuray mucaarad iyo muxaafidna dowladda ku taageereen in Dhuusamareeb laga dhiso Dowlad loo dhanyahay dadka iyo deegaanka kala baylahayna u adeegta isuna goobta.

8 bilood oo ay madaxda Dowladda dhexe ku sugnaayeen Caasimadda maamulkaas ee Dhuusamareeb waxaa 2dii bishii February 2020 Madaxweynaha Galmudug loo doortay Axmed Cabdi Kaariye Qoor-qoor, doorashadaas oo dadka qaar dhaliileen haddana dhammaan dhinacyadii tartanka galay ugu dambeyn way aqbaleen soona dhaweeyeen kuna qanceen natiijada kasoo baxday geeddigii lagu dhisay Galmudug loo dhan yahay.

Gunaanad.

Hoggaanka haatan haya talada Galmudug waxa hortooda yaal cashar ku filan in wax laga barto 4tii sano ee hore. Go’aannadda iyo hayaanka cusub ee Galmudugna looga cabbirqaato dhibaatooyinkii gaabiska ka yeelay Galmudugtii hore, waxa aan aad kalsooni badan ugu qabaa hoggaanka hadda jooga Galmudug in ay leeyihiin aragti ka duwan tii hore laguna samata bixin karo Galmudug sida haddaba ka muuqata tallaabooyinka ay qaadeen.

W/Q: Axmed Siigaale

siigaale000@gmail.com

Post a Comment

Previous Post Next Post