Cadowtinimada ITOOBIYA iyo Daqonnimada Hoggaamiyeyaasha Soomaalida.

Itoobiya waa halista ugu weyn ee ummadda Soomaaliyeed ay leedahay, marka laga hadlayo dhismaha dowladnimo Soomaaliyeed oo sharci iyo cudud leh oo dib u dhalata. Dowlad ahaan iyo dadnimo ahaan ayey u burburisay una cuuryaamisay dalka Soomaaliya. Itoobiya waxaa ay fursad qaali ah heshay markii ay duntay dowladnimadii Soomaaliya dhaqsana looga soo kaban waayey burburka.

Waqti hoggaamiyo kooxeedyadii u abaabulanaa habka qabiil dalku u kala xirnaa mid kastana itoobiya gooni ugu xiray waxa ay Itoobiya heshay irid furan oo aan ka xirmeyn oo ka qasto Sooaaliya waana hoggaaiye kooxeedyadii ay hubka iyo rasaasta midkasta ay ay gaar usiin jirtay dhexdoodana uga shidi jirtay dabka iyo colaadaha qabaailka Soomaaliyeed arrintaas oo sii durjisay dhismaha dowladnimo Soomaaliyeed maadaama dirirtii sokeeyuhu sii baabi'isay kalsoonidii Shacabka Somaaliyeed.


Aduunku waa xilli iyo hadba heer, waxaa ay hadda joogtaa in dhisamaha Maamul goboleedyada Soomaaliya ka hanaqaaday oo si cilmi la'aan iyo ka tashi la aan ah loo laqsiiyey mujtamaca Soomaalida uu markale Fursad u muuqata mid hore loo sii qorsheeyey siinayo Itoobiya. Sida aan badankeenu la socono maamul goboleed kasta marka laga reebo Galmudug iyo Hirshabeelle waxaa ku sugan wakiilo ka socoda Dowladda Itoobiya xafiisyna ku leh Xarumaha maamul Goboleedyadaas. waana xafiisyada Itoobiya ku maleegto dhagarta lagu ccuuryaaminayo dhismaha dowladnimada Soomaaliyeed. Dhanka kale Galmudug iyo Hirshabeelle ayaa iyagana la aaminsan yahay in Itoobiya ay u soo magacaabi doonto wakiilladooda u joogi doona maamulladaas.

29 - 10 -2016 Magaalada Garoowe furitaanka kalfadhiga barlamanka Puntland waxaa ka hadlay Wakiilka itoobiya u fadhiya Puntland isagoo ka hadlay Colaadda u dhexeysa Galmudug iyo Puntland si cadna u sheegay in Puntland la soo weeray lagana qaldan yahay difaaca puntlandna ay itoobiya ka qeyb qaadaneyso arrinkaas oo ah qeyb kamid ah isku goynta beelaha Soomaaliyeed ee walaalaha ah.

Waxaa hubaal ah labo kooxood ee kasta ee Soomaaliyeed ee diriri dhex marto in itoobiya ay mid kasta gaar wax ugu sheegayso hub iyo saanadna gaar u siiso sidii hoggaamiye kooxeedyadii bari aan fogeyn noo arrimin jiray taas oo sharaf dhac iyo dhaawac qaran ku ah Soomaalida.

Ma ahan oo kaliya hoggaamiye kooxeedyada iyo State-yada cidda ay Itoobiya u isticmaasho duminta dalkaan balse ururo diimeedyada ayaa iyaguna dhibaatada Soomaali heysata qeyb ka ah dhowr urur diimeed oo mid ka kale nolol u oggol uusan jirin fikradu iyo dowlado shisheeyana xambaarsan ayaa Soomaalida usii nugleeyey Cadowga itoobiya xiriir toos ah iyo mmid dadbanba la leh.

Waxaa dhab ah in Itoobiya lafirkeedu caga badan ku taagneyn waayo waa dal gacan bir ah lagu maammulo uuna ka jiro nidaam kaligi talis ah kaas oo ugu dambeyn qarxi doona isuna beddeli doono colaado iyo gacan ka hadal. Kalsoonida Soomaalida oo burburtay iyo damaca isdulleynta ah ee qaar kamid ah madaxda Soomaalida ayaa Itoobiya wax kasta u fududeeyey noona nugleeyey ee gudaha Itoobiya waxaa ka jira duufaan aan la ogeyn mar ay qarxi doonto inkasta oo ree galbeedku kor ka ilaaliyaan dowladnimada Itoobiya.

Nimbaa laga sheegay inuu u yimi geel meel daaqaya markaa buu yiri "war geela yaa la jooga dhowr jeer markii uu ereygaa ku celceliyey wax u jawaabana uu waayey ayuu isu jawaabay oo yiri waar illaa geela yaa la jooga aan leeyahay waaba geeleygii"markaabuu siduu doono ka yeelay waxaan kala jeedaa Itoobiya wax YAC dhaha xittaa cod liciif ah ku dhaha markii ay waysay garbey u noqotay in ay sidaan u dhaqanto.



W/Q: Axmed Siigaale
siigaale000@gmail.com

Post a Comment

Previous Post Next Post