Tan iyo markii la doortay dowladda
cusub ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud waxaa jirtay laba
arrimood oo aad loo hadal hayo kuwaas oo dowladda cusubi sheegtay in ay si
degdeg ah wax muuqda uga qaban doonto. Waxayna kala yihiin; Duullaan ka dhan ah
Alshabaab oo durba abaabulkiisu dowladdu bilowday. Iyo Dib u habeynta xiriirka
diblomaasiyadeed ee Soomaaliya la leedahay dowlahada caalamka gaar ahaan
dowladaha dariska.
Labadaan arrimood waxa ay dareen weyn
iyo cabsi ku abuureen labo qolo oo kala dan ah mararka qaarna duruuftu mideyn
karto. Waa kooxda Alshabaab oo fahamsan in duullaan xoog lihi kaga soo wajahan
yahay dhanka dowladda cusub iyo qaar kamid ah dowladaha dariska ah oo runtii iyaguna kala dan ah balse shaki weyn ka qaba siyaasadda dowladda cusub ee ku aaddan
geeska afrika. Waxaana durba bilowday dhaqdhaqaaqyo u eg in ay si isugu xiran
yihiin lana doonayo in lagu mijaxaabiyo laguna cuuryaamiyo isku dayga iyo
siyaasadda dowladda cusub ee ku aaddan labada qodob ee aan kor ku xusnay. Dadka
wax qora qaarkood ayaa tuhmaya in dhaqdhaqaaqyadan ay qeyb ka yihiin
siyaasiyiin Soomaali ah. Sidoo kale waxaa jira qaar kamid ah dowlad goboleedyada dalka oo lagu
riixayo in ay qeyb ka noqdaan qorshahan lagu cuuryaamiyo dowladda cusub.
Si ficil loogu beddelo dhaqdhaqaaqyadan,
Itoobiya waxa ay qorsheyneysaa in ay xoojiso tirada iyo tayada ciidanka ka
jooga Soomaaliya si gaar ah aagagga Koofur-Galbeed, Hirshabelle iyo Galmudug ayna
abuurto cudud ciidan oo gaashaan u noqon kara sii jiritaanka xukunka
hoggaamiyeyaasha saddexdaa dowlad goboleed, si gaar ah Abdiasis Laftagareen iyo
Axmed Qoorqoor oo labadooduba ka tirsanaa saaxiib dhawna la ahaa dowladdii
talada banneysay ee uu hoggaaminayey Madaxweyne hore Maxamed C. Farmaajo kaas
oo isbaheysi buuxa isna la ahaa Addis Ababa iyo Asmara. Haddaba Itoobiya si ay
ciidamo usoo galiso gudaha Soomaaliya waxaa la abuuray duullaanka Alshabaab ee
gudaha Itoobiya si arrinkaasi jid ugu furo marmarsiiyana ugu noqdo soo
galitaanka ciidanka Itoobiya ee gudaha Soomaaliya, iyada oo ku doodeysa in ay
iska fogeynayaan Alshabaabta dalkooda soo weerartay, sidaasna ciidamada
Itoobiya xarumo uga sameyntaan gudaha saddexda dowlad goboleed ee sare ku xusan.
Dhanka kale, Itoobiya oo isbaheysi la
heyd dowladdii talada lagala wareegay garab buuxana u aheyd, waxa ay durba ka
didday shakina ka muujisay aragtida siyaasadeed ee hoggaanka cusub ee
Soomaaliya. Kaas oo ugu muuqday in uusan sidii dowladdii hore garab iyo
gaashaan u noqon doonin. Tuhunkaas ay Itoobiya ka qaadday nidaamka cusub ee
Soomaaliya waxaa sii xoojiyey safarkii madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan
Sheikh uu ku tagay Caruusha daaru-salaam uuna ku codsaday in Soomaaliya ay ku
biirto dowladaha bulshada bariga Afrika (EAC) tallaabadaas oo Itoobiya ugu
muuqatay in meesha ka saareyso Isbaheysigii kal hore ay wada dhisteen Muqdisho,
Addis Abab iyo Asmara. Sidoo kale waxaa Itoobiya walaac kii hore ka daran ku
abuuray safarka madaxweynaha cusubi ku tagay Qaahira – Masar. Arrimahaan oo
dhan waxa ay xoojinayaan dhaqdhaqaayada Addis Ababa hormuudka u tahay ee sida
hoose haatan loo karinayo laguna cuuryaaminayo nidaamka cusub ee Soomaaliya ka
hana qaaday.
Damaca Itoobiya & Damanaanta Madaxda Soomaalida
Shacbiga Soomaaliyeed ayaa markasta
dareen xoog leh ka qabay qaar kamid ah dowladaha dariska ah in aysan raalli ka
heyn in kooxda Alshabaab laga cirib tiro Soomaaliya. Sidoo kale Itoobiya iyo
siyaasaddeeda ku aaddan geeska Africa, Soomaalidu waxa ay ka aaminsan yihiin in
aysan marna Addis Ababa aqbaleynin dowladnimo sal adag oo ka dhalata gayiga
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaalida, si arrinkaasi ugu hirgalana waxa ay
markasta saameyn aan qarsooneyn ku yeelan jirtay maamullada dalka ka jira oo ay
hagardaamooyinkeeda usoo xambaarin jirtay kana horkeeni jirtay hoggaanka
dowladda federaalka Soomaaliya.
Haddaba, madaxweynaha Cusub ee
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud oo markii labaad
doorasho baarlamaani ah kusoo baxay ayaa loo arkaa hoggaamiye faham fiican ka
heysta siyaasadda gobolka lehna bisayl siyaasadeed waxaana lawada eegayaa sida
uu uga dabbaasho una maareeyo dabinka loo dhigay dowladda uu hoggaamiyo.
Aragtidaada hoos noogu reeb👇
WQ: Axmed Siigaale
إرسال تعليق