QABSASHADA IYO DUULLAANKII ISRAAIIL EE DHULKA FALASTIIN

Carruur Yar oo Falastiini ah oo Dhagax ku Tuuraya Taangiga Yuhuudda

Boqortooyada Ingiriisku waxa ay ahayd awooddii khiyaantay, jabisay, gacantana u galisay yuhuuddda dhulkii falastiiniyiinta kaddib markii dagaalkii koowaad ee adduunka lagu jabiyey awooddii dowladdii Cusmaaniyiinta oo iyadu wax kabadan 400 oo sano gacanta ku haysay bariga dhexe, qeybo kamid ah qaaradaha Asia, Afrika iyo Yurub.


Runtii sheekooyinka ku saabsan qabsashada bariga dhexe iyo dhisamaha dowladda yuhuuddu ma ahan mid lagu soo koobi karo qoraal yar balse waa mid ballaaran lagana qoray boqollaal buugaag iyo maqaalo ah, walina in ku filan aan laga dhihin balse aqristayaal waxa aan isku dayeynaa in aan qormadeenaan kusoo koobno dhacdooyinka muhiim ka ah ee la xariira qorshihii imaanshaha bariga dhexe ee yuhuudda iyo qabsashadii dhulka falastiiniyiinta oo ay ugu dambeyn ka dhisteen dowlad calan leh taas oo waqtigaan ah ta koowaad ama labaad ee ugu awoodda badan bariga dhexe.


Dib ayaan ugu soo laaban doonnaa Ingiriiska iyo dhibaatada uu u geystay dadka falastiiniyiinta balse qoraalkeena waxa aan ku billaabeynaa halka ay kasoo billaabatay aragtida in dhulka falastiiniyiinta laga dhaco deedna dal looga dhigo yuhuuddii ku firirsaneyd dalal badan oo dunida ah:


Bilowgaba aragtida in Yuhuuddu mustaqbalka dal ka dhigato dhulka falastiin waxa ay ka soo maaxatay maskaxda koox lagu magacaabo Sahyuuniyadda (Zionism) oo la aasaasay 1897, taas oo ah koox asal raac ah oo u dhaqdhaqaaqi jirtay danaha dadka yuhuudda, yoolkeeda ugu weynna ahaa in Yuhuudda dunida qaxootiga ku ah dal looga dhigo laguna aruuriyo dhulka Falastiiniyiinta. Waxaa aasaasay kooxdaas nin Yuhuud ah oo lagu magacaabo Theodor Herzl kaas oo kamid ahaa Yuhuuddii ku noolayd dalka Austria ee dhaca bartamaha qaaradda Yurub.

Theodor Herzl
Ninkii lahaa fikradda in dhulka falastiin dal looga dhigo Yuhuudda


Sannad kaddib, aasaaskii kooxda sahyuuniyadda waxa ay shirkoodii ugu horreeyey ku qabsadeen magaalada Basel ee dalka Switzerland, shirkaas oo kooxdu isugu keentay qofkasta oo ay muhiim u arkayeen kana mid ahaa bulshooyinka Yuhuudda ee dalalka Yurub ku noolaa waxa ayna gabogabadii shirkooda soo saareen qodobo ay ugu muhiimsanaayeen:


  • Si horudhac ah in qoysas badan oo Yuhuud ah ay qaxooti ahaan ugu guuraan una degaan dhulka Falastiiniyiinta
  • In la aruuriyo dhaqaalo lagu caawiyo yuhuudda tirada yar ee dhulka Falastiin degganayd si ay dhulal badan uga iibsadaan carabta dalka leh
  • In la abuuro shirkado qarsoon oo aan Yuhuudda loo aqoon deedna ay dhulal ka iibsadaan dhulka falastiiniyiinta si dhulkaas waqti kaddib loo dejiyo dadka yurub ka noqonaya
  • In qorshohooda qabsashada dhulka falastiiniyiinta ay ka iibiyaan taageerana uga raadiyaan dunida Galbeedka.


Shirkaas kaddib Yuhuuddu waxa ay dhexda u xiratay sidii loo dhaqan galin lahaa dhalanteedkooda, dhab biyo kama dhibcaan ahna loogu beddeli lahaa. Waxaa xusid mudan in bulshada yuhuudda ee barigaa Yurub ku filiqsaneyd ay si toos ah iyo si aan toos ahaynba saameyn ugu yeesheen boqortooyooyinka iyo madaxdii yurub ka talineysay waxa ayna is tuseen iyaga oo taas ka faaiideysanaya in ay xaqiijiyaan hirgalinta hadafkooda ee qabsashada dhulka falastiin, waxaana qoysaskaas kamid ahaa qoyskii uu ka dhashay ninka lagu magacaabo Edmund Rothschild oo saameyn weyn ku lahaa maamulkii boqortooyada ingiriiska.


Si kastaba, kooxda Sahyuuniyadda (Zionist) waxa ay waqtigooda oo dhan isugu geeyeen xaqiijinta hadafkooda. Waxaa jirta oraah Yuhuudda dhexdooda shaac ka ah oo ay soo qaataan marka ay ku faanayaan xaqiijinta hadafkooda taas oo ah in maalmo kaddib shirkii Basel uu ninka lagu magacaabo Theodor Herzl yiri “ Shirka  Basel waxa aan ku dhisay dowlad Israaiil leedahay xaqiijinta hadafkaasna wuxuu qaadan karaa 5 sano laga yaabee inuu 50 sano qaato, qofkastaana wuu ogaan doonaa”.

Shirkii ugu horreeyey ee Kooxda Sahnuuniyadda: Basel - Switzerland

Iyadoo xaqiijinta qodobbadii shirkii Basel-Switzerland ay Yuhuuddu si isku mid ah dhaqan galintiisa ugu dhaqaaqeen haddana qodobka ah in awoodaha galbeedka ay ka dhaadhiciyaan aragtidooda qabsashada dhulka falastiin waa midka ugu muhiimsan xaqiijinta yoolkooda waana qodobka fududeeyey dhaqangalinta qodobada kale. Ingiriiska oo kamid ahaa quwadaha barigaas ugu awoodda badnaa dunida ayaa si fudud u aqblay qorshihii kooxda sahyuuniyadda ee qabsashada dhulka falastiin, ku qancid kaliya maahane waxa uu hormuud u noqday hirglinta qorshihii shacabka carbeed ee falastiiniyiinta looga dhacayey dhulkooda deedna dal yuhuuddu leedahay looga dhigay.


Sida horudhaca qormadeena aan kusoo sheegnay Boqortooyada Ingiriisku waxa ay ku suntan tahay awooddii sahyuuniyadda usuuragalisay in ay dhacaan dal dhan oo dad, duunyo iyo magac lahaa deedna u beddelaan dal ay dowlad ka dhistaan dad qaxooti ku yimid.


Inta aynaan kasii hadlin dhacdoooyinka Boqortooyada ingiriisku sameeyey si ay u hirgaliso qorshaha kooxdii sahyuuniyadda aan is waydiino waxyaalaha Ingiriiska ku riixay in ay dhaqso ku aqbalaan qorshihii Sahyuuniyadda hormuudna u noqoto fulintiisa, waxaana ugu muhiimsan:


Ku qancintii qorshaha ee Xoghaye Balfour


Arthur James Balfour waxa uu ahaa Xoghayihii arrimaha dibedda sidoo kalena soo noqday Ra'iisul Wasaarihii boqortooyadii midowday ee Ingiriiska sanadiihii 1902 - 1905-tii. Waa mid kamid ah ragga kooxda Sahyuuniyaddu ajandahooda ku qanciyeen waliba qurqursiiyeen, waana ruuxa markii uu ku qancay kaddib ka dhaadhiciyey hoggaankii Boqortooyada Ingiriiska heer uu gaarsiiyey in dowladdiisu soo saarto bayaanka loogu magac daray isaga qudhiisa ee loo bixiyey Bayaanka Balfour (Balfour Declaration).

Arthur James Balfour Xoghayihii Arrimaha Dibedda UK soona noqday RW
Ninka ku sunta aabbaha Xasuuqa Bariga Dhexe


Marka laga hadlayo cidda ku qancisay waxaa la sheegaa in uu saaxiib dhow la ahaa qoyska Edmund Rothschild oo ahaa qoys maalqabeen ah oo degganaa Boqortooyada ingiriiska kuwaas oo galangal fiican u lahaa Balfour iyo qoyskiisa oo iyana laftoodu ahaa qoys maalqabeeno magac ku lahaa gudaha Ingiriiska.

Balfour waxaa lagu tilmaamaa inuu yahay ninka sababta u ahaa in dharaar cad dalkii falastiiniyiinta la gacan maroojiyo Israa’iiliyiintana looga dhigo dal cusub oo ay yeeshaan sidoo kale waxaa loogu yeeraa ninka sababta u ah colaadda lafajabiska ah ee qarni ka badan ka aloosan bariga dhexe.


Aragti Diineed


Mid kamid ah Raisul wasaarayaashii soo maray Boqortooyada Ingiriiska waa ninka lagu magacaabo David Lloyd George soona xukumay sanadihii 1916 illaa 1922 ahaana Christian asal raac ah waxa uu aaminsanaa kuna doodi jiray haddii israaiil la dejiyo dalna looga dhigo dhulka falastiiniyiinta in uu dunida dib ugu soo noqon doono Nabi Ciise (CS) oo Christianku ugu yeeraan wiilka Eebbe balse xaaraan ah ugu yeeristoodaasi. Aaminaadaasi ma ahan mid ku qoran kitaabada ay inxiraafiyeen oo ay haystaaan meel ay ku qoran tahayna ma jirto balse waa aragti Sahyuuniyaddu ka dhaadhicisay ree galbeedka waxaana jiray dad badan oo aqbalay aragtidaas diineed kuwaas oo taageeray in Yuhuudda la dejiyo dhulka Falastiiniyiinta.


Soo Afjaridda Aragida Yuhuud Nacaybka


Tan iyo bartamihii qarnigii 18aad waxaa dalalka yurub si siman ugu sii kordhayey dadka neceb Yuhuudda waxaana dalalka qaar ka jiray aragtida yuhuud nacaybka oo marba marka kasii dambeysa sii xoogeysanaysay, taas oo ugu dambeyn gaartay xasuuqa hoggaamiyahii jarmalka Adolf Hitler uu u geystay Yuhuudda, qudhana uu kaga gooyey in ku dhow 6 milyan oo ruux muddo 12 sano gudohood ah waa sida Yuhuuddu sheegato e inkasta oo ay jiraan aragtiyo beeninaya tiradaas.


Si markaa nacaybkaas meesha looga saaro waxaa Ingiriiska iyo dhammaan dowladaha galbeedku taageereen aragtida leh in la helo dal Yuhuuddu leedahay oo la isugu geeyo dadka Yuhuudda ah ee Yurub iyo Ameerika ku filiqsan.


BAYAANKII BALFOUR


Sida aan kahor kusoo xusnay Boqortooyada Ingiriisku waxa ay soo saartay Bayaankii Balfour taariikhdu markay ahayd November 2, 1917, kaas oo ka koobnaa 67 eray oo afka Ingiriiska ku qoranaa waxa uuna taageerayey ajandihii Sahyuuniyadda ee boobka dhulka Falastiiniyiinta iyo ku wareejinta dadka yuhuudda ah si halkaas dowlad ay leeyihiin uga dhistaan. Bayaanka Balfour (Balfour Declaration) waxaa la sheegaa in ay si wadajir ah u diyaariyeen ragga kala ah Walter Rothschild, Arthur Balfour, Leo Amery, Lord Milner waxaase ku saxiixan Xoghayihii arrimaha dibedda waqtigaas ee Boqortooyada Britain Arthur James Balfour.

Bayaankii Balfour ee November 2, 1917 ay ansixiyeen Golaha Wasiirada UK



Bayaanka Balfour ayaana u dhignaa sidan:


Anigoo ku hadlaya magaca dawladda Ingiriiska waxaan idiin soo gudbinayaa bayaankan aan ku taageerayo Israa’iiliyiinta kaas oo la horgeeyay Golaha Wasiirrada lana ansixiyey.

"Dawladda Ingiriiska waxay si wanaagsan u aragtaa in yuhuuda loo dhiso dawlad dhulka Falastiin, waxayna ku dadaali doontaa sidii loo gaari lahaa yoolkaas.

Si kastaba ha ahaatee, waa in ay caddahay in aan wax tallaabo ah laga qaadi doonin xuquuqda madaniga iyo diinta ee dadka Falastiiniyiinta ah ee hadda jira, sidoo kale ma saameynayso xuquuqda iyo xaaladda siyaasadeed ee Yuhuudda ee waddan kale”.


Ingiriisku markii ay soo saareen baaqa ay ugu yeereen Balfour waxa ay u dhaqaaqeen labo shaqo oo kala ah in ay bayaanka ku qanciyaan dowladaha galbeedka si ay u taageeraan iyo sidoo kale in ay bayaanka dhaqangaliyaan oo ay u howlgalaan qabashada dhulka falastiiniyiinta.


Qodobka hore ee ah ku qancinta dowladaha ee bayaanka ingiriiska waqti badan kuma qaadan maadaama waqtigaas Ingiriisku ahaa quwad weyn oo loollankii jiray saameyn weyn ku lahayd waxaana durbadiiba aqbalay dowladdii Maraykanka iyo kuwo kale.


Qodobka labaad runtiina ahaa midka ugu adkaa fulintiisa, Ingiriisku waxa uu isticmaalay khiyaano, xoog iyo xeel si uu u meelmariyo qorshaha sahyuuniyadda waana halkan meesha aan ku faahfaahineyno in Boqortooyada Ingiriisku tahay aabbaha musiibada bariga dhexe iyo in dhulkii falastiiniyiinta loo gacan galiyo yuhuudda dal calan lehna looga dhigo.


Waqtiga dowladda Ingiriisku soo saartay Bayaanka Balfour waxa ay ku beegan tahay waqtigii uu socday dagaalkii koowaad ee dunida kaas oo u dhexeeyey awoodo iyo xulafo is bahaystay oo kala ahaa dowladaha Ingiriiska, Faransiiska, Ruushka, Maraykanka, Jabbaan iyo Talyaaniga oo dhinac ah iyo Boqortooyadii Cusmaaniyiinta, Jarmalka, Austria-Hungary iyo Bulgeeriya oo dhinac ah.


Haddaba Ingiriiska oo xiriir la lahaa qabaailka carbeed ee bariga dhexe degganaa waxa uu u sheegay kana dhaadhiciyey in ay ka horyimaadaan boqortooyada Cismaaniyiinta oo xukumeysay bariga dhexe taas oo uu u sheegay haddii ay dhulalkooda ka kiciyaan carabta lagala shaqeynayo in ay noqdaan dowlado magac, calan iyo dal leh oo dunida la macaamila lagana hoos bixin doono xukunka dadka asalkoodu yahay Turkida.


Nasiib darro qabaailka carabtu kama fiirsan qorshaha Ingiriiska ee ahaa in haddii ay dumiyaan dowladda cusmaaniyiinta awooddeeduna meesha ka baxdo ay gumeysi cusub oo ree yurub ah gali doonaan ugu dambeyna qeyb kamid ah dhulkooda laga qaadan doono, yuhuudna dal looga dhigi doono.


Si kastaba, soo jeedintii Ingiriiska qabaailkii carbeed aad ayey u soo dhaweeyeen waxa ayna dagaal iyo diidmo kala horyimaadeen boqortooyadii cusmaaniyiinta taas oo ugu dambeyn ay qayb ka noqdeen duminteedii. Waxaa jirta qisooyin aynaan halkan uga hadli karin sababo qoraalka oo aad u dheeraanaya kuwaas oo ah in sirdoonka ree galbeedka iyo Yuhuuddu ay muddo hore dhex galeen dhulalka carabta iyo guud ahaan dhulkii ay xukumaysay dowladdii cusmaaniyiintu, Sirdoonkaas oo si wanaagsan u bartay dhaqanka iyo luqadda carabiga isla markaasna fududeeyey xiriirka carabta iyo galbeedka iyo ugu dambeyn qabsashada dhulalka carabta.


Ugu dambeyn dowladdii cusmaaniyiinta waa laga adkaaday Carabtiina halkii ay sugayeen in ay dowlado madaxbannan noqdaan waxaa qabsaday ree Yurub oo gumeysi ayey qaayibeen. Dhulka falastiiniyiinta waxaa qabsaday ingiriiska oo jeebka ku sita qorshihii sahnuuniyadda oo uu markaan fulintiisa gudagalayo.


Waxaa xusid mudan in tirada dadka ku noolaa dhulka falastiiniyiinta kahor intii aanay ingiriisku qabsan lagu qiyaasay ku dhawaad labo milyan kuwaas oo 95% ahaayeen carab halka 5% boqolkiibana ay ahaayeen Yuhuud isugu jirtay kuwo waligood la noolaa carabta iyo kuwa qaxooti ahaan ugu yimid mana aysan jirin gobol ama deegaan u gaar ah oo ay ku lahaayeen dhulka falastiiniyiinta. Marka laga hadlayo diimaha dadkaasina Carabtu 95% Muslimiin ayey ahaayeen halka Yuhuuddu aaminsanaayeen diintooda iyo inyar oo kirishtaan ahaa.


Ingiriisku markii uu qabsaday dhulka Falastiiniyiinta durbadiiba waxa uu billaabay dhaqangalinta labo qodob oo kamid ah qodobadii kasoo baxay shirkii Yuhuudda ee Basel kuwaas oo kala ah inuu si aan xad lahayn yurub uga soo raray yuhuuddii qaxootiga ku ahayd isaga oo soo dejiyey dhulkii falastiiniyiinta, si aanay carabtu shaki uga qaadinna waxa uu ugu yeeray qaxooti laga soo badbaadiyey xasuuqii Hitler falastiinna ay magangalyo usoo raadsadeen.


Sidoo kale dowladdii Ingiriisku waxa ay dhaqangalisay in ay dhulka falastiiniyiinta soo galaan shirkado magacayo kala duwan iyo shaqooyin kala duwan ku suntan se xambaarsan qorshaha dhul-boobka Sahyuuniyadda. Shirkadaha qaar ayaa ka shaqeynayey dhismeyaasha, beeraha waddooyinka IWM waxayna la yimaadeen dad lagu magacaabay shaqaale xirfadlayaal ah balse kulligood yuhuud ahaa waxaana la siiyey dhulal ay degaan iyo xarumo waaweyn oo ay ku shaqeeyaan.


Sanado yar kaddib carabtii falastiiniyiintu waxa ay fahmeen in gumeystaha ingiriisku wado qorshe dhul-boob ah waana ay ka hor yimaadeen. Balse nasiib darro waa mar ay middi calool ku tagtaye markii falastiiniyiintu sameeyeen kacdoon waxaa iyana kacdoon kale oo falastiiniyiinta ka dhan ah billaabay Yuhuuddii qaxooti ahaanta u yimid waxaana garab iyo gaashaan u noqday gumeystihii Ingiriiska ee dhulka falastiin xukumayey.


Kooxdii Sahyuuniyaddu waxa ay durbadiiba marka ay taariikhdu ahayd June 15, 1920 dhiseen wax loogu yeeray Xoogagga Haganah (Haganah Forces) oo ahaa ciidamo hubeysan oo la dirira falastiiniyiinta ay dhulkooda ugu yimaadeen. Dhismaha kooxdaan waxaa si gaar ah ugu magacaaban ninka lagu magacaabo Vladimir Jabotinsk waxaana hub casri ah ku qalabeeyey gumeystihii ingiriiska oo xittaa markii ay culeys dareemaan isagu ka dhinac diriri jiray.


Iska hor imaadyo badan oo dhexmaray xooggaggii falastiiniyiinta iyo kooxda Haganah ee yuhuudda waxa gacan sarreeyey kooxda Haganah maadaama carabta laga hub iyo tababar wanaagsanaa waana halka ay ka billaabatay dhul ballaarsiga kooxda Sahyuuniyadda. Durbadiiba kooxdani waxa ay billowday xasuuq iyo barakicin iyagoo durbadiba 250 kun oo qof oo falastiiniyiin ah ka barakiciyey dhulkoodii deedna iyagu isku fidiyeen.


Taariikh yahannada falanqeeya dagaalladii bilowgii isfidinta yuhuudda waxaa ay sheegaan in taariikhdu markay ahayd 1939-kii tiro dhan 10% (Toban Boqolkiiba) ragga loogu yeero waran-qaadka ee u dhashay falastiiniyiinta laga dhigay wax dhintay wax la naafeeyey, wax la xiray iyo in u carartay dalalka dariska.


Marba marka kasii dambeysa waxaa sii kordhayey isku dhacyada shacabkii carabta ahaa ee dalka iska lahaa iyo yuhuuddii lasoo dejiyey waxaana markasta gacanta sare ee dagaallada lahaa jabhadda Sahyuuniyadda, maadaama ay dhankasta uga tayo wanaagsanaayeen aysanna haysan cid usoo hiillisa ama hub casriya u keenta.


Mid kamid ah dhacdooyinkii argagaxa lahaa ee maleeshiyadii sahyuuniyaddu faleen muddadii ay isku fidinayeen dhulka falastiiniyiinta waa xasuuqii ay ka geysteen tuulada Deyr Yaasin oo dhaca 5.5km dhanka koofureed ee magaalada Jerusalem ee caasimadda Israaiil. 9-kii Abriil, 1948-kii, toddobaadyo uun kahor ku dhawaaqista dowladnimada Israa’iil. Xoogag ka tirsan ciidanka Sahyuuniyadda  ayaa weerar ku qaaday tuulada Deir Yaasiin, halkaas oo ay ku dileen ugu yaraan 107 Falastiiniyiin ah oo dhammaantood ahaa haween, carruur iyo waayeel ka carari waayey colaaddii halkaas ka socotay.


Sawir muujinaya Carruurtii iyo Haweenkii lagu xasuuqay tuulada Deir Yaasiin.

Xoogagga sahyuuniyadda ee xasuuqaas geystay waxaa kala hoggaaminayey ninka lagu magacaabo Menachem Begin oo markii dambe noqday Raisul wasaarihii Israaiil muddadii u dhexeysay 1977 – 1983 iyo Yitzhak Shamir oo isna labo jeer soo noqday Raisul wasaaraha israaiil intii u dhexeysay 1983 - 1984 iyo mar kale 1986 – 1992. Waxaa cajiib ah in Menachem Begin sannadkii 1978 la siiyey abaalmarinta caalamiga ee nabadda (Nobel Peace Prize) oo la sheegay inuu ku mutay ahaanshihiisa ruux nabadda ka shaqeeya, inkasta oo tan looga jeeday in isaga iyo Anwar Saadaadkii Masar ay ka hor tageen dagaal dhex mara labada dal.

Yitzhak Shamir
Menachem Begin 








Markii xaalku faraha ka baxay dowladda Ingiriisku maadaama dhulka falastiiniyiinta ay gacanta ku haysay quwad caalami ahna ahayd waxa ay dunida ka iibisay dacaayaadka kooxda Sahyuuniyadda ee ahayd in ay dalka falastiin wax ku leeyihiin nololna aan loo oggolayn ayna yihiin dhibbaneyaal wax iska caabin sameynaya, falastiiniyiintuna yihiin dad duullaan ku ah naftooda.


Sidoo kale Ingiriisku waxa uu Ururka Qaramada Midoobe oo barigaa ugub ahaa saameyn waynna uu kulahaa ka dhaadhiciyey in Yuhuudda iyo carabta dhulka loo kala qaybiyo taas oo ugu dambeyn 29 November 1947 ay UN-tu sabab iyo faahfaahin la aan meelmariyeen qaraar dhulka falastiiniyiinta labo loogu kala qaybinayo oo 55% dhulka lasiinayo Yuhuudda halka 45% carabta falastiiniyiinta ah la siiyo loona yeelayo xudduud caalami ah taas oo ay diideen carabta falastiiniyiinta iyo guud ahaan dalalkii carabta oo laftoodu gumeysiga yurub ku hoos jiray, waxaase qorshaha UN-ta soo dhaweeyey kooxdii Sahyuuniyadda maadaama loo dhacayo dhul aysan lahayn.


Si kastaba, boqortooyadii ingiriisku muddadii ay joogtay dhulka falastiiniyiinta waxa ay 30% gaarsiisay tiradii Yuhuudda ee ku noolayd carriga falastiiniyiinta isla markaana haysta 6% dhulkii carabta falastiiniyiinta waxayse Ingiriisku aad u hubeeyeen una qalabeeyeen maleeshiyaadka kooxda Sahyuuniyadda. Ugu dambeynna 15 May 1948 waxay ay Boqortooyadii Ingiriisku ku dhawaaqday in ay soo gabangabaysay gumeysigeedii dhulka falastiiniyiinta oo laga billaabo maalinkaas ay xor yihiin. Nasiib darrose waa goor ay dalkii dejiyeen Yuhuud aan awood ahaan loo babac dhigi karin, shacabkii falastiiniyiinta ay xaqiijisay in aysan haysan helina karin awood ay isaga celiyaan Yuhuudda dhulkooda boobaysa.


Waa qorshe la isla ogaayee maalin kahor waqtigaa Ingiriisku ku dhawaaqay inuu isaga baxay dhulka falastiin kuna beegan May 14, 1948 waxaa iyana dowlad calan leh ku dhawaaqay Yuhuuddii lagu beeray dhulka falastiiniyiinta kuwaas oo sheegay in ay diyaar u yihiin in ay iska difaacayaan cid kasta oo soo weerarta. Isla maalinkaas Maraykanka ayaa aqoonsaday waana dalkii ugu horreeyey ee ku dhawaaqay aqoonsiga dowladnimada israaiil. Sidoo kale dowlado badan oo galbeed ka ah ayaa iyana ku dhawaaqay aqoonsiga dowladda yuhuudda ee ka dhisan tahay dhulka falastiin ee sanado kahor qaxooti ahaan u yimaadeen.


David Ben-Gurion oo ahaa madaxa ururka yuhuuddii ka dhisneyd dhulkii ay qabsadeen ayaa ku dhawaaqay dowladnimada Israaiil isaga oo hoos taagan sawirka Theodor Herzl oo ahaa ninkii lahaa fikradda in dhulka falastiiniyiinta dal looga dhigo Yuhuudda lagana barakiciyo carabtii degganayd taas oo sida xaqiiqada ah hirgashay. Ben-Gurion waxaa kale oo uu maalinkaasi ku dhawaaqay inuu isagu yahay Raisul-wasaaraha dowladda dhisantay.


RW hore David Ben-Gurion oo ku dhawaaqaya dowladnimada Israaiil


Maalinka ay Yuhuuddu ku dhawaaqeen in ay yihiin dowlad madax bannaan ingiriiskuna ku dhawaaqay in uu soo gabangabeeyey gumeysigiisii waxaa dagaal wadajir ah yuhuuddii ku qaaday dowlado carbeed oo ay kamid yihiin Masar, Lubnaan, Suuriya iyo Ciraaq kuwaas oo si toos ah uga dhinac dirirayay jabhaddii falastiiniyiinta ee dhulkooda la dhacay nasiib darro dowladahaas isi soo bahaystay waxaa ka awood batay yuhuuddii tirada yarayd ee waqtiga dhow qaxooti ahaanta loo soo dejiyey maadaama ay haysteen hubkii ugu casrisanaa waqtigaas oo isugu jira diyaaradaha dagaalka, gaadiidka gaashaaman, gantaallada wax burburiya ama lidka diyaaradaha kuwaas oo u suuragaliyey in ay ka adkaadaan dowladihii carbeed ee isi soo bahaystay. Dad badan ayaana aaminsan in yuhuudda aanay kaligeed ahayn oo ciidamo awood leh oo ree galbeed ah mar horeba dhulka Yuhuuddu qabsatay la geeyey kuwaas oo markii xaaladdu ku adkaato iyagu dagaalka dhinacooda ka galayey.


Si kastaba, Israaiil dagaalkaas waxa ay ku qabsatay dhul baaxad leh ama si kale haddii aan u dhahno 78% dhulkii falastiiniyiintu waxa uu galay gacanta yuhuudda. Ciidamada israaiil meel kasta oo ay qabsadaan waxa ay burburin jireen waxkasta oo ay lahaayeen dadka ka qaxay dhulka ay qabsadaan waxayna magacyada ka beddeli jireen meel kasta oo ay qabsadaan iyagoo magacyada carabta ku beddeli jiray magacyo luqadda yuhuuda ah.


Mid kamid ah hoggaamiyeyaasha maleeshayada kooxda Sahyuunidda oo lagu magacaabi jiray Tuvia heller oo waqti dambe warbaahinta la hadlay ayaa yiri “ Markasta waxaa jiray amar nooga imaanayey xagga Ben-Gurion kaas oo na farayey qixiya dadka, markii aan meel qabsano cagafta ama baldoosarka ayaan marineynay dhismayaasha dadku ka qaxeen si aan u baabi’ino raadkooda iyo wax kasta oo ay lahaayeen aysanna u haweysan in ay dib usoo noqdaan”.


Muddadii uu socday dagaalka dhul ballaarsiga yuhuudda ee ka horreysay ku dhawaaqista dowladda israaiil waxa ay ciidankii Sahyuuniyaddu laayeen in kabadan 15,000 (15kun) oo falastiiniyiin ah oo u badan dumar, carruur iyo waayeel, tiro intaas ka badanna way dhaawaceen waana ay qixiyeen. Waxaase jira in waqtigaas kaddib yuhuuddu laayeen boqol jibbaar tiro intaas kore ka badan haba ugu darraato musiibada 9 kii bilood ee lasoo dhaafay ka socota dhulka falastiin.


Ugu dambeyn, sida aan bilowga qormadeenna ku sheegnayba Sheekooyinka ku saabsan qabsashada bariga dhexe, gabood-falladii dhacay iyo dhismaha dowladda yuhuuddu ma ahan mid lagu soo koobi karo qoraal yar balse waa mid ballaaran oo aan qalin iyo qoraal lagu soo koobi karin lagana qoray boqollaal bugaag iyo maqaalo ah waxaanse halkaan ku soo gaabinayaa qoraalkii yaraa ee aan ka diyaariyey qorshihii yuhuudda iyo Boqortooyada Ingiriisku ku qabsadeen dhulkii falastiiniyiinta ayna ku dhiseen dowlad israaiil leedahay oo bariga dhexe laga dhisay.


Dhammaad

Tixraac: 

https://imeu.org/article/explainer-the-deir-yassin-massacre 
https://www.palestineremembered.com/Jerusalem/Dayr-Yasin
https://www.aljazeera.com/news/2023/4/9/the-deir-yassin-massacre-why-it-still-matters-75-years-later
https://www.bbc.com/news/uk-politics-39483745
https://www.newsweek.com/declaring-state-israel-may-14-1948-332152

W/Q: Axmed Siigaale
Siigaale000@gmail.com

Post a Comment

Previous Post Next Post