Carruur Yar oo Falastiini ah oo Dhagax ku Tuuraya Taangiga Yuhuudda |
Boqortooyada Ingiriisku waxa ay ahayd awooddii khiyaantay, jabisay, gacantana u galisay yuhuuddda dhulkii falastiiniyiinta kaddib markii dagaalkii koowaad ee adduunka lagu jabiyey awooddii dowladdii Cusmaaniyiinta oo iyadu wax kabadan 400 oo sano gacanta ku haysay bariga dhexe, qeybo kamid ah qaaradaha Asia, Afrika iyo Yurub.
Runtii sheekooyinka ku
saabsan qabsashada bariga dhexe iyo dhisamaha dowladda yuhuuddu ma ahan mid
lagu soo koobi karo qoraal yar balse waa mid ballaaran lagana qoray boqollaal
buugaag iyo maqaalo ah, walina in ku filan aan laga dhihin balse aqristayaal waxa
aan isku dayeynaa in aan qormadeenaan kusoo koobno dhacdooyinka muhiim ka ah ee
la xariira qorshihii imaanshaha bariga dhexe ee yuhuudda iyo qabsashadii dhulka
falastiiniyiinta oo ay ugu dambeyn ka dhisteen dowlad calan leh taas oo waqtigaan
ah ta koowaad ama labaad ee ugu awoodda badan bariga dhexe.
Dib ayaan ugu soo laaban
doonnaa Ingiriiska iyo dhibaatada uu u geystay dadka falastiiniyiinta balse
qoraalkeena waxa aan ku billaabeynaa halka ay kasoo billaabatay aragtida in
dhulka falastiiniyiinta laga dhaco deedna dal looga dhigo yuhuuddii ku firirsaneyd
dalal badan oo dunida ah:
Bilowgaba aragtida in
Yuhuuddu mustaqbalka dal ka dhigato dhulka falastiin waxa ay ka soo maaxatay
maskaxda koox lagu magacaabo Sahyuuniyadda (Zionism) oo la aasaasay 1897, taas
oo ah koox asal raac ah oo u dhaqdhaqaaqi jirtay danaha dadka yuhuudda,
yoolkeeda ugu weynna ahaa in Yuhuudda dunida qaxootiga ku ah dal looga dhigo
laguna aruuriyo dhulka Falastiiniyiinta. Waxaa aasaasay kooxdaas nin Yuhuud ah
oo lagu magacaabo Theodor Herzl kaas oo kamid ahaa Yuhuuddii ku noolayd dalka
Austria ee dhaca bartamaha qaaradda Yurub.
Theodor Herzl Ninkii lahaa fikradda in dhulka falastiin dal looga dhigo Yuhuudda |
Sannad kaddib, aasaaskii
kooxda sahyuuniyadda waxa ay shirkoodii ugu horreeyey ku qabsadeen magaalada
Basel ee dalka Switzerland, shirkaas oo kooxdu isugu keentay qofkasta oo ay
muhiim u arkayeen kana mid ahaa bulshooyinka Yuhuudda ee dalalka Yurub ku
noolaa waxa ayna gabogabadii shirkooda soo saareen qodobo ay ugu
muhiimsanaayeen:
- Si horudhac ah in qoysas badan oo Yuhuud ah ay qaxooti ahaan ugu guuraan una degaan dhulka Falastiiniyiinta
- In la aruuriyo dhaqaalo lagu caawiyo yuhuudda tirada yar ee dhulka Falastiin degganayd si ay dhulal badan uga iibsadaan carabta dalka leh
- In la abuuro shirkado qarsoon oo aan Yuhuudda loo aqoon deedna ay dhulal ka iibsadaan dhulka falastiiniyiinta si dhulkaas waqti kaddib loo dejiyo dadka yurub ka noqonaya
- In qorshohooda qabsashada dhulka falastiiniyiinta ay ka iibiyaan taageerana uga raadiyaan dunida Galbeedka.
Shirkaas kaddib Yuhuuddu waxa ay dhexda u xiratay sidii loo dhaqan galin lahaa dhalanteedkooda, dhab biyo kama dhibcaan ahna loogu beddeli lahaa. Waxaa xusid mudan in bulshada yuhuudda ee barigaa Yurub ku filiqsaneyd ay si toos ah iyo si aan toos ahaynba saameyn ugu yeesheen boqortooyooyinka iyo madaxdii yurub ka talineysay waxa ayna is tuseen iyaga oo taas ka faaiideysanaya in ay xaqiijiyaan hirgalinta hadafkooda ee qabsashada dhulka falastiin, waxaana qoysaskaas kamid ahaa qoyskii uu ka dhashay ninka lagu magacaabo Edmund Rothschild oo saameyn weyn ku lahaa maamulkii boqortooyada ingiriiska.
Si kastaba, kooxda
Sahyuuniyadda (Zionist) waxa ay waqtigooda oo dhan isugu geeyeen xaqiijinta
hadafkooda. Waxaa jirta oraah Yuhuudda dhexdooda shaac ka ah oo ay soo qaataan
marka ay ku faanayaan xaqiijinta hadafkooda taas oo ah in maalmo kaddib shirkii
Basel uu ninka lagu magacaabo Theodor Herzl yiri “ Shirka Basel waxa aan ku dhisay dowlad Israaiil
leedahay xaqiijinta hadafkaasna wuxuu qaadan karaa 5 sano laga yaabee inuu 50
sano qaato, qofkastaana wuu ogaan doonaa”.
Shirkii ugu horreeyey ee Kooxda Sahnuuniyadda: Basel - Switzerland |
Iyadoo xaqiijinta qodobbadii shirkii Basel-Switzerland ay Yuhuuddu si isku mid ah dhaqan galintiisa ugu dhaqaaqeen haddana qodobka ah in awoodaha galbeedka ay ka dhaadhiciyaan aragtidooda qabsashada dhulka falastiin waa midka ugu muhiimsan xaqiijinta yoolkooda waana qodobka fududeeyey dhaqangalinta qodobada kale. Ingiriiska oo kamid ahaa quwadaha barigaas ugu awoodda badnaa dunida ayaa si fudud u aqblay qorshihii kooxda sahyuuniyadda ee qabsashada dhulka falastiin, ku qancid kaliya maahane waxa uu hormuud u noqday hirglinta qorshihii shacabka carbeed ee falastiiniyiinta looga dhacayey dhulkooda deedna dal yuhuuddu leedahay looga dhigay.
Sida horudhaca qormadeena aan kusoo sheegnay
Boqortooyada Ingiriisku waxa ay ku suntan tahay awooddii sahyuuniyadda
usuuragalisay in ay dhacaan dal dhan oo dad, duunyo iyo magac lahaa deedna u
beddelaan dal ay dowlad ka dhistaan dad qaxooti ku yimid.
Inta aynaan kasii hadlin dhacdoooyinka Boqortooyada ingiriisku sameeyey si ay u hirgaliso qorshaha kooxdii sahyuuniyadda aan is waydiino waxyaalaha Ingiriiska ku riixay in ay dhaqso ku aqbalaan qorshihii Sahyuuniyadda hormuudna u noqoto fulintiisa, waxaana ugu muhiimsan:
Ku qancintii qorshaha ee Xoghaye Balfour
Arthur James Balfour waxa
uu ahaa Xoghayihii arrimaha dibedda sidoo kalena soo noqday Ra'iisul Wasaarihii
boqortooyadii midowday ee Ingiriiska sanadiihii 1902 - 1905-tii. Waa mid
kamid ah ragga kooxda Sahyuuniyaddu ajandahooda ku qanciyeen waliba
qurqursiiyeen, waana ruuxa markii uu ku qancay kaddib ka dhaadhiciyey
hoggaankii Boqortooyada Ingiriiska heer uu gaarsiiyey in dowladdiisu soo saarto
bayaanka loogu magac daray isaga qudhiisa ee loo bixiyey Bayaanka Balfour (Balfour
Declaration).
Arthur James Balfour Xoghayihii Arrimaha Dibedda UK soona noqday RW Ninka ku sunta aabbaha Xasuuqa Bariga Dhexe |
Marka laga hadlayo cidda
ku qancisay waxaa la sheegaa in uu saaxiib dhow la ahaa qoyska Edmund Rothschild oo ahaa qoys maalqabeen ah oo
degganaa Boqortooyada ingiriiska kuwaas oo galangal fiican u lahaa Balfour iyo
qoyskiisa oo iyana laftoodu ahaa qoys maalqabeeno magac ku lahaa gudaha
Ingiriiska.
Balfour waxaa lagu tilmaamaa inuu yahay ninka sababta u ahaa in dharaar cad dalkii falastiiniyiinta la gacan maroojiyo Israa’iiliyiintana looga dhigo dal cusub oo ay yeeshaan sidoo kale waxaa loogu yeeraa ninka sababta u ah colaadda lafajabiska ah ee qarni ka badan ka aloosan bariga dhexe.
Aragti Diineed
Mid kamid ah Raisul wasaarayaashii soo maray Boqortooyada Ingiriiska waa ninka lagu magacaabo David Lloyd George soona xukumay sanadihii 1916 illaa 1922 ahaana Christian asal raac ah waxa uu aaminsanaa kuna doodi jiray haddii israaiil la dejiyo dalna looga dhigo dhulka falastiiniyiinta in uu dunida dib ugu soo noqon doono Nabi Ciise (CS) oo Christianku ugu yeeraan wiilka Eebbe balse xaaraan ah ugu yeeristoodaasi. Aaminaadaasi ma ahan mid ku qoran kitaabada ay inxiraafiyeen oo ay haystaaan meel ay ku qoran tahayna ma jirto balse waa aragti Sahyuuniyaddu ka dhaadhicisay ree galbeedka waxaana jiray dad badan oo aqbalay aragtidaas diineed kuwaas oo taageeray in Yuhuudda la dejiyo dhulka Falastiiniyiinta.
Soo Afjaridda Aragida Yuhuud Nacaybka
Tan iyo bartamihii
qarnigii 18aad waxaa dalalka yurub si siman ugu sii kordhayey dadka neceb
Yuhuudda waxaana dalalka qaar ka jiray aragtida yuhuud nacaybka oo marba marka
kasii dambeysa sii xoogeysanaysay, taas oo ugu dambeyn gaartay xasuuqa hoggaamiyahii
jarmalka Adolf Hitler uu u geystay Yuhuudda, qudhana uu kaga gooyey in ku dhow 6 milyan oo ruux muddo 12 sano gudohood ah waa sida Yuhuuddu sheegato e inkasta oo ay jiraan aragtiyo beeninaya tiradaas.
Si markaa nacaybkaas
meesha looga saaro waxaa Ingiriiska iyo dhammaan dowladaha galbeedku taageereen
aragtida leh in la helo dal Yuhuuddu leedahay oo la isugu geeyo dadka Yuhuudda
ah ee Yurub iyo Ameerika ku filiqsan.
BAYAANKII BALFOUR
Sida aan kahor kusoo
xusnay Boqortooyada Ingiriisku waxa ay soo saartay Bayaankii Balfour taariikhdu
markay ahayd November 2, 1917, kaas oo ka koobnaa 67 eray oo afka Ingiriiska ku
qoranaa waxa uuna taageerayey ajandihii Sahyuuniyadda ee boobka dhulka
Falastiiniyiinta iyo ku wareejinta dadka yuhuudda ah si halkaas dowlad ay
leeyihiin uga dhistaan. Bayaanka Balfour (Balfour Declaration) waxaa la sheegaa
in ay si wadajir ah u diyaariyeen ragga kala ah Walter Rothschild, Arthur
Balfour, Leo Amery, Lord Milner waxaase ku saxiixan Xoghayihii arrimaha dibedda
waqtigaas ee Boqortooyada Britain Arthur James Balfour.
Bayaankii Balfour ee November 2, 1917 ay ansixiyeen Golaha Wasiirada UK |
Bayaanka Balfour ayaana u
dhignaa sidan:
“Anigoo ku hadlaya magaca
dawladda Ingiriiska waxaan idiin soo gudbinayaa bayaankan aan ku taageerayo
Israa’iiliyiinta kaas oo la horgeeyay Golaha Wasiirrada lana ansixiyey.
"Dawladda Ingiriiska
waxay si wanaagsan u aragtaa in yuhuuda loo dhiso dawlad dhulka Falastiin,
waxayna ku dadaali doontaa sidii loo gaari lahaa yoolkaas.
Si kastaba ha ahaatee, waa in ay caddahay in aan wax tallaabo ah laga qaadi doonin xuquuqda madaniga iyo diinta ee dadka Falastiiniyiinta ah ee hadda jira, sidoo kale ma saameynayso xuquuqda iyo xaaladda siyaasadeed ee Yuhuudda ee waddan kale”.
Ingiriisku markii ay soo saareen baaqa ay ugu yeereen Balfour waxa ay u dhaqaaqeen labo shaqo oo kala ah in ay bayaanka ku qanciyaan dowladaha galbeedka si ay u taageeraan iyo sidoo kale in ay bayaanka dhaqangaliyaan oo ay u howlgalaan qabashada dhulka falastiiniyiinta.
Qodobka hore ee ah ku
qancinta dowladaha ee bayaanka ingiriiska waqti badan kuma qaadan maadaama
waqtigaas Ingiriisku ahaa quwad weyn oo loollankii jiray saameyn weyn ku lahayd
waxaana durbadiiba aqbalay dowladdii Maraykanka iyo kuwo kale.
Qodobka labaad runtiina
ahaa midka ugu adkaa fulintiisa, Ingiriisku waxa uu isticmaalay khiyaano, xoog
iyo xeel si uu u meelmariyo qorshaha sahyuuniyadda waana halkan meesha aan ku
faahfaahineyno in Boqortooyada Ingiriisku tahay aabbaha musiibada bariga dhexe
iyo in dhulkii falastiiniyiinta loo gacan galiyo yuhuudda dal calan lehna looga dhigo.
Waqtiga dowladda Ingiriisku soo saartay Bayaanka Balfour waxa ay ku beegan tahay waqtigii uu
socday dagaalkii koowaad ee dunida kaas oo u dhexeeyey awoodo iyo xulafo is
bahaystay oo kala ahaa dowladaha Ingiriiska, Faransiiska, Ruushka, Maraykanka,
Jabbaan iyo Talyaaniga oo dhinac ah iyo Boqortooyadii Cusmaaniyiinta, Jarmalka,
Austria-Hungary iyo Bulgeeriya oo dhinac ah.
Haddaba Ingiriiska oo
xiriir la lahaa qabaailka carbeed ee bariga dhexe degganaa waxa uu u sheegay
kana dhaadhiciyey in ay ka horyimaadaan boqortooyada Cismaaniyiinta oo xukumeysay
bariga dhexe taas oo uu u sheegay haddii ay dhulalkooda ka kiciyaan carabta
lagala shaqeynayo in ay noqdaan dowlado magac, calan iyo dal leh oo dunida la
macaamila lagana hoos bixin doono xukunka dadka asalkoodu yahay Turkida.
Nasiib darro qabaailka
carabtu kama fiirsan qorshaha Ingiriiska ee ahaa in haddii ay dumiyaan dowladda
cusmaaniyiinta awooddeeduna meesha ka baxdo ay gumeysi cusub oo ree yurub ah
gali doonaan ugu dambeyna qeyb kamid ah dhulkooda laga qaadan doono, yuhuudna
dal looga dhigi doono.
Si kastaba, soo jeedintii
Ingiriiska qabaailkii carbeed aad ayey u soo dhaweeyeen waxa ayna dagaal iyo
diidmo kala horyimaadeen boqortooyadii cusmaaniyiinta taas oo ugu dambeyn ay
qayb ka noqdeen duminteedii. Waxaa jirta qisooyin aynaan halkan uga hadli karin
sababo qoraalka oo aad u dheeraanaya kuwaas oo ah in sirdoonka ree galbeedka
iyo Yuhuuddu ay muddo hore dhex galeen dhulalka carabta iyo guud ahaan dhulkii ay
xukumaysay dowladdii cusmaaniyiintu, Sirdoonkaas oo si wanaagsan u bartay
dhaqanka iyo luqadda carabiga isla markaasna fududeeyey xiriirka carabta iyo
galbeedka iyo ugu dambeyn qabsashada dhulalka carabta.
Ugu dambeyn dowladdii
cusmaaniyiinta waa laga adkaaday Carabtiina halkii ay sugayeen in ay dowlado
madaxbannan noqdaan waxaa qabsaday ree Yurub oo gumeysi ayey qaayibeen. Dhulka
falastiiniyiinta waxaa qabsaday ingiriiska oo jeebka ku sita qorshihii sahnuuniyadda
oo uu markaan fulintiisa gudagalayo.
Waxaa xusid mudan in
tirada dadka ku noolaa dhulka falastiiniyiinta kahor intii aanay ingiriisku
qabsan lagu qiyaasay ku dhawaad labo milyan kuwaas oo 95% ahaayeen carab halka 5% boqolkiibana ay ahaayeen Yuhuud isugu jirtay kuwo waligood la noolaa carabta iyo
kuwa qaxooti ahaan ugu yimid mana aysan jirin gobol ama deegaan u gaar ah oo ay
ku lahaayeen dhulka falastiiniyiinta. Marka laga hadlayo diimaha dadkaasina
Carabtu 95% Muslimiin ayey ahaayeen halka Yuhuuddu aaminsanaayeen diintooda iyo
inyar oo kirishtaan ahaa.
Ingiriisku markii uu
qabsaday dhulka Falastiiniyiinta durbadiiba waxa uu billaabay dhaqangalinta
labo qodob oo kamid ah qodobadii kasoo baxay shirkii Yuhuudda ee Basel kuwaas
oo kala ah inuu si aan xad lahayn yurub uga soo raray yuhuuddii qaxootiga ku
ahayd isaga oo soo dejiyey dhulkii falastiiniyiinta, si aanay carabtu shaki uga
qaadinna waxa uu ugu yeeray qaxooti laga soo badbaadiyey xasuuqii
Hitler falastiinna ay magangalyo usoo raadsadeen.
Sidoo kale dowladdii
Ingiriisku waxa ay dhaqangalisay in ay dhulka falastiiniyiinta soo galaan shirkado
magacayo kala duwan iyo shaqooyin kala duwan ku suntan se xambaarsan qorshaha dhul-boobka
Sahyuuniyadda. Shirkadaha qaar ayaa ka shaqeynayey dhismeyaasha, beeraha waddooyinka
IWM waxayna la yimaadeen dad lagu magacaabay shaqaale xirfadlayaal ah balse
kulligood yuhuud ahaa waxaana la siiyey dhulal ay degaan iyo xarumo waaweyn oo ay ku
shaqeeyaan.
Sanado yar kaddib
carabtii falastiiniyiintu waxa ay fahmeen in gumeystaha ingiriisku wado qorshe
dhul-boob ah waana ay ka hor yimaadeen. Balse nasiib darro waa mar ay middi
calool ku tagtaye markii falastiiniyiintu sameeyeen kacdoon waxaa iyana kacdoon
kale oo falastiiniyiinta ka dhan ah billaabay Yuhuuddii qaxooti ahaanta u yimid waxaana garab iyo gaashaan u
noqday gumeystihii Ingiriiska ee dhulka falastiin xukumayey.
Kooxdii Sahyuuniyaddu waxa
ay durbadiiba marka ay taariikhdu ahayd June 15, 1920 dhiseen wax loogu yeeray
Xoogagga Haganah (Haganah Forces) oo ahaa ciidamo hubeysan oo la dirira
falastiiniyiinta ay dhulkooda ugu yimaadeen. Dhismaha kooxdaan waxaa si gaar ah
ugu magacaaban ninka lagu magacaabo Vladimir Jabotinsk waxaana hub casri ah ku
qalabeeyey gumeystihii ingiriiska oo xittaa markii ay culeys dareemaan
isagu ka dhinac diriri jiray.
Iska hor imaadyo badan oo
dhexmaray xooggaggii falastiiniyiinta iyo kooxda Haganah ee yuhuudda waxa gacan
sarreeyey kooxda Haganah maadaama carabta laga hub iyo tababar wanaagsanaa
waana halka ay ka billaabatay dhul ballaarsiga kooxda Sahyuuniyadda. Durbadiiba kooxdani waxa
ay billowday xasuuq iyo barakicin iyagoo durbadiba 250 kun oo qof oo
falastiiniyiin ah ka barakiciyey dhulkoodii deedna iyagu isku fidiyeen.
Taariikh yahannada
falanqeeya dagaalladii bilowgii isfidinta yuhuudda waxaa ay sheegaan in
taariikhdu markay ahayd 1939-kii tiro dhan 10% (Toban Boqolkiiba) ragga loogu
yeero waran-qaadka ee u dhashay falastiiniyiinta laga dhigay wax dhintay wax la
naafeeyey, wax la xiray iyo in u carartay dalalka dariska.
Marba marka kasii
dambeysa waxaa sii kordhayey isku dhacyada shacabkii carabta ahaa ee dalka iska
lahaa iyo yuhuuddii lasoo dejiyey waxaana markasta gacanta sare ee dagaallada
lahaa jabhadda Sahyuuniyadda, maadaama ay dhankasta uga tayo wanaagsanaayeen
aysanna haysan cid usoo hiillisa ama hub casriya u keenta.
Mid kamid ah
dhacdooyinkii argagaxa lahaa ee maleeshiyadii sahyuuniyaddu faleen muddadii ay isku
fidinayeen dhulka falastiiniyiinta waa xasuuqii ay ka geysteen tuulada Deyr
Yaasin oo dhaca 5.5km dhanka koofureed ee magaalada Jerusalem ee caasimadda Israaiil. 9-kii Abriil, 1948-kii, toddobaadyo uun kahor ku dhawaaqista dowladnimada
Israa’iil. Xoogag ka tirsan ciidanka Sahyuuniyadda ayaa weerar ku qaaday tuulada Deir Yaasiin,
halkaas oo ay ku dileen ugu yaraan 107 Falastiiniyiin ah oo dhammaantood ahaa
haween, carruur iyo waayeel ka carari waayey colaaddii halkaas ka socotay.
Sawir muujinaya Carruurtii iyo Haweenkii lagu xasuuqay tuulada Deir Yaasiin. |
Xoogagga sahyuuniyadda ee
xasuuqaas geystay waxaa kala hoggaaminayey ninka lagu magacaabo Menachem Begin oo
markii dambe noqday Raisul wasaarihii Israaiil muddadii u dhexeysay 1977 – 1983
iyo Yitzhak Shamir oo isna labo jeer soo noqday Raisul wasaaraha israaiil intii
u dhexeysay 1983 - 1984 iyo mar kale 1986 – 1992. Waxaa cajiib ah in Menachem
Begin sannadkii 1978 la siiyey abaalmarinta caalamiga ee nabadda (Nobel
Peace Prize) oo la sheegay inuu ku mutay ahaanshihiisa ruux nabadda ka
shaqeeya, inkasta oo tan looga jeeday in isaga iyo Anwar Saadaadkii Masar ay ka
hor tageen dagaal dhex mara labada dal.
Yitzhak Shamir |
Menachem Begin |
Markii xaalku faraha ka baxay dowladda Ingiriisku maadaama dhulka falastiiniyiinta ay gacanta ku haysay quwad caalami ahna ahayd waxa ay dunida ka iibisay dacaayaadka kooxda Sahyuuniyadda ee ahayd in ay dalka falastiin wax ku leeyihiin nololna aan loo oggolayn ayna yihiin dhibbaneyaal wax iska caabin sameynaya, falastiiniyiintuna yihiin dad duullaan ku ah naftooda.
Sidoo kale Ingiriisku
waxa uu Ururka Qaramada Midoobe oo barigaa ugub ahaa saameyn waynna uu kulahaa
ka dhaadhiciyey in Yuhuudda iyo carabta dhulka loo kala qaybiyo taas oo ugu
dambeyn 29 November 1947 ay UN-tu sabab iyo faahfaahin la aan meelmariyeen qaraar dhulka falastiiniyiinta labo loogu kala qaybinayo oo 55% dhulka
lasiinayo Yuhuudda halka 45% carabta falastiiniyiinta ah la siiyo loona yeelayo
xudduud caalami ah taas oo ay diideen carabta falastiiniyiinta iyo guud ahaan
dalalkii carabta oo laftoodu gumeysiga yurub ku hoos jiray, waxaase qorshaha
UN-ta soo dhaweeyey kooxdii Sahyuuniyadda maadaama loo dhacayo dhul aysan
lahayn.
Si kastaba, boqortooyadii
ingiriisku muddadii ay joogtay dhulka falastiiniyiinta waxa ay 30% gaarsiisay
tiradii Yuhuudda ee ku noolayd carriga falastiiniyiinta isla markaana haysta 6% dhulkii
carabta falastiiniyiinta waxayse Ingiriisku aad u hubeeyeen una qalabeeyeen maleeshiyaadka kooxda Sahyuuniyadda. Ugu dambeynna 15 May 1948 waxay ay Boqortooyadii Ingiriisku
ku dhawaaqday in ay soo gabangabaysay gumeysigeedii dhulka falastiiniyiinta oo laga
billaabo maalinkaas ay xor yihiin. Nasiib darrose waa goor ay dalkii dejiyeen Yuhuud aan awood ahaan loo babac dhigi karin, shacabkii falastiiniyiinta ay
xaqiijisay in aysan haysan helina karin awood ay isaga celiyaan Yuhuudda
dhulkooda boobaysa.
Waa qorshe la isla ogaayee maalin kahor waqtigaa Ingiriisku ku dhawaaqay inuu isaga baxay dhulka falastiin kuna beegan May 14, 1948 waxaa iyana dowlad calan leh ku dhawaaqay Yuhuuddii lagu beeray dhulka falastiiniyiinta kuwaas oo sheegay in ay diyaar u yihiin in ay iska difaacayaan cid kasta oo soo weerarta. Isla maalinkaas Maraykanka ayaa aqoonsaday waana dalkii ugu horreeyey ee ku dhawaaqay aqoonsiga dowladnimada israaiil. Sidoo kale dowlado badan oo galbeed ka ah ayaa iyana ku dhawaaqay aqoonsiga dowladda yuhuudda ee ka dhisan tahay dhulka falastiin ee sanado kahor qaxooti ahaan u yimaadeen.
David Ben-Gurion oo ahaa madaxa ururka yuhuuddii ka dhisneyd dhulkii ay qabsadeen ayaa ku dhawaaqay dowladnimada Israaiil isaga oo hoos taagan sawirka Theodor Herzl oo ahaa ninkii lahaa fikradda in dhulka falastiiniyiinta dal looga dhigo Yuhuudda lagana barakiciyo carabtii degganayd taas oo sida xaqiiqada ah hirgashay. Ben-Gurion waxaa kale oo uu maalinkaasi ku dhawaaqay inuu isagu yahay Raisul-wasaaraha dowladda dhisantay.
RW hore David Ben-Gurion oo ku dhawaaqaya dowladnimada Israaiil |
Maalinka ay Yuhuuddu ku
dhawaaqeen in ay yihiin dowlad madax bannaan ingiriiskuna ku dhawaaqay in uu
soo gabangabeeyey gumeysigiisii waxaa dagaal wadajir ah yuhuuddii ku qaaday
dowlado carbeed oo ay kamid yihiin Masar, Lubnaan, Suuriya iyo Ciraaq kuwaas oo
si toos ah uga dhinac dirirayay jabhaddii falastiiniyiinta ee dhulkooda la dhacay
nasiib darro dowladahaas isi soo bahaystay waxaa ka awood batay yuhuuddii
tirada yarayd ee waqtiga dhow qaxooti ahaanta loo soo dejiyey maadaama ay
haysteen hubkii ugu casrisanaa waqtigaas oo isugu jira diyaaradaha dagaalka,
gaadiidka gaashaaman, gantaallada wax burburiya ama lidka diyaaradaha kuwaas oo
u suuragaliyey in ay ka adkaadaan dowladihii carbeed ee isi soo bahaystay. Dad
badan ayaana aaminsan in yuhuudda aanay kaligeed ahayn oo ciidamo awood leh oo
ree galbeed ah mar horeba dhulka Yuhuuddu qabsatay la geeyey kuwaas oo markii
xaaladdu ku adkaato iyagu dagaalka dhinacooda ka galayey.
Si kastaba, Israaiil
dagaalkaas waxa ay ku qabsatay dhul baaxad leh ama si kale haddii aan u dhahno
78% dhulkii falastiiniyiintu waxa uu galay gacanta yuhuudda. Ciidamada israaiil
meel kasta oo ay qabsadaan waxa ay burburin jireen waxkasta oo ay lahaayeen
dadka ka qaxay dhulka ay qabsadaan waxayna magacyada ka beddeli jireen meel
kasta oo ay qabsadaan iyagoo magacyada carabta ku beddeli jiray magacyo luqadda
yuhuuda ah.
Mid kamid ah
hoggaamiyeyaasha maleeshayada kooxda Sahyuunidda oo lagu magacaabi jiray Tuvia
heller oo waqti dambe warbaahinta la hadlay ayaa yiri “ Markasta waxaa jiray
amar nooga imaanayey xagga Ben-Gurion kaas oo na farayey qixiya dadka, markii aan
meel qabsano cagafta ama baldoosarka ayaan marineynay dhismayaasha dadku ka
qaxeen si aan u baabi’ino raadkooda iyo wax kasta oo ay lahaayeen aysanna u haweysan in ay dib usoo noqdaan”.
Muddadii uu socday
dagaalka dhul ballaarsiga yuhuudda ee ka horreysay ku dhawaaqista dowladda
israaiil waxa ay ciidankii Sahyuuniyaddu laayeen in kabadan 15,000 (15kun) oo
falastiiniyiin ah oo u badan dumar, carruur iyo waayeel, tiro intaas ka badanna
way dhaawaceen waana ay qixiyeen. Waxaase jira in waqtigaas kaddib yuhuuddu
laayeen boqol jibbaar tiro intaas kore ka badan haba ugu darraato musiibada 9
kii bilood ee lasoo dhaafay ka socota dhulka falastiin.
Ugu dambeyn, sida aan bilowga qormadeenna ku sheegnayba Sheekooyinka
ku saabsan qabsashada bariga dhexe, gabood-falladii dhacay iyo dhismaha dowladda yuhuuddu ma ahan mid
lagu soo koobi karo qoraal yar balse waa mid ballaaran oo aan qalin iyo qoraal
lagu soo koobi karin lagana qoray boqollaal bugaag iyo maqaalo ah waxaanse
halkaan ku soo gaabinayaa qoraalkii yaraa ee aan ka diyaariyey qorshihii
yuhuudda iyo Boqortooyada Ingiriisku ku qabsadeen dhulkii falastiiniyiinta ayna ku dhiseen dowlad israaiil leedahay oo bariga dhexe laga dhisay.
Dhammaad
Tixraac:
https://www.palestineremembered.com/Jerusalem/Dayr-Yasin
https://www.aljazeera.com/news/2023/4/9/the-deir-yassin-massacre-why-it-still-matters-75-years-later
https://www.bbc.com/news/uk-politics-39483745
Siigaale000@gmail.com
إرسال تعليق