Barbaarkii loo baxsanayow miyaad baylah wali tahay

African-Children-School1

Jiilasha soo koraya bulsho kasta ee dunida ku nool waxay uga jiraan kaalin wayn oo saameyn togan ku yeelan doonta siyaasadda iyo nolosha dambe ee dadyowga iyo deegaanka.

Dadyowga maanta jira way ku kala duwanyihiin siyaasaddooda ku wajahan jiilasha soo koroya, qolo kastaahina sida ay u ogyihiin muhiimadda jiilka yaryar, una fahamsan yihiin ayey ugu howlgalaan, ugu dedaalaan una diyaariyaan.

Muhiimmdda Jiilasha soo koraya iyo kaalinkooda markii uu ka hadley Xaaji Aadan Afqallooc allaha u naxariistee waa tii uu lahaa
“Hadduu Geed engego xaabadaa laga idlaystaaye
Mid yar oo iniintiisa ahbaa soo awaal baxa e
Isagaa anfaaciga hadhkiyo oodda kaafiya e
Dadkana odaygu goortuu ka baxo iyo islaantiisu
Ubadkooda hadhabaa tabcoo aayatiin hela e
Markii Aadam iyo Xaawa iyo keynta la abuuray
Sidaasay arwaaxdiyo dhirtuba ku isiraayeene
Umaddaan shabaabkeedu hanan waa u ayaan xuma e”

Dhowrkaan tuduc waxa aan si dhuxur leh uga dheeganeynaa kaalinta Carruuta ama dhallinyaradu leedahay, iyo in ay yihiin kuwa loo baxsan doono marka odayada iyo hal-waynku gaabiyo ama go'o, duniduna sidaa ayey waligeed usoo taxneyd.

Waxa ay xambaarayaan calanka iyo qiyamka umadda, waxayna qabanayaan oo tawallinayaan hoggaanka iyo talada umadda, iyagoo ku hagi doona hadba aqoonta iyo ogaalka cilmi oo ay leeyihiin, laguna soo barbaariyey.

Ummadaha baaba'ay kana lumay waddadii guushiyo rajada, ama ay ku habsadeen manaxayaal lamida kuwii carbeed ee dabeyshii gugii carabtu qaadday, waxaa badbaado iyo nolol isbeddel leh u abuuri kara waa jiilasha dambe oo tallaabo qaadkoodana sal iyo aasaas u yahay sida iyo heerka diyaarin ee markoodii hore ay heleen.

Carruurta dalkeenna hooyo ku nool, tiro aan yareyn ayaa maanta dayacan, oo aan heysan dowlad iyo duul kale oo si naxariis iyo garasho fog ku dheehan tahay uga fekera ayaahooda dambe, Jiilashaasi waa kuwii barrito dalkani u baxsan lahaa, dowladnimada iyo qaska raagay ee muddada nagu habsadayna dalka ka saari lahaa, balse taasi maanta ma muuqato oo waxa ay u eg tahay in ay wajahayaan duruufihii adkaa ee dalku soo maray.

Haa, sax waaye in ay jiraan carruur badan oo qalinka sita si ay wax u bartaan waalid fiicanna helay, lkn waxaa tobon jibbaar ka badan kuwa dayacan oo ku dhex koraya duruufta, Dayacaadda, bahalnimada iyo cuqdadda, barrina aan waji iyo wax qabsi fiican laga sugeyn.

Gobol Degmo iyo Tuulo dayacaadda carruurteennu waa tuban tahay, kuwa heysta waxbarashadana intooda badani ma heystaan waxbarasho tayo ahaan, caqiiddo ahaan iyo waddaninimo ahaan u dhisan una fayow.

Si kastaba, maanta waxaa jira dayacaad wayn oo mustaqbalkeenna dambe ah, sida dhismaha dowladnimadeenna loogu dedaalayo si ka weyn kana muhiimad badan in mustaqbalka carruurteenna loo dhiso loona diyaariyo ayaa mudnaanto tahay, waxaa jira Magaalooyin, Degmooyin iyo Tuulooyin badan oo aysan maanta ka jirin waxbarasho macne lah ama gabi ahaanba wax waxbarasho ah oo aysan ka jiri, hal canug oo Iskuul waxbarasho aada, iyaddoo carruurtu ku dayacan yihiin tubaha iyo gidaarrada magaalooyinka.

Uma baahna qarash iyo wax aan la awoodin in lagu howlgalo ee kaliya qorshe iyo tab toosan oo cilmi iyo garsho ku dhisan ayay u baahan tahay, tusaale Qoys kasta ama qof kastaa haddii uu hal canug oo kuwiisa ka dheeri ah kafaalo qaado waxbarashadiisa, waa arrin aad u wanaagsan oo fursad loogu abuuri karo kumannaan carruur ah oo dayacan oo aan heysan cid iftiinka aqoonta ku hanuunisa kuna garabsiisa.

Waxaa kale oo ah arrin jiilkeenna maanta loogu hiillin karo, hirgalinta iyo furitaanka goobo waxbarasho oo carruurta si bilaash ah wax loogu baro, socodsiinteeduna uma baahna qarash tiro badan kaliya iskaashi iyo qorshe saxan ayay u baahan tahay.

Qofkas ee maanta garasho iyo dadnimo leh, rajona ka qaba in uu dalkeennu  wacnaado oo yeesho dad hal abuur iyo aqoon leh waa in uu aad uga fekeraa, kana qeybqaataa qaabeynta iyo dhisidda barbaarkii loo baxsan lahaa ee maanta agteenna ku baylahan.

Qore: Axmed Siigaale
Siigaale000@gmail.com

Post a Comment

Previous Post Next Post