HA OOYINI AABBO AAMUS.!

Aabbe Soomaaliyeed
Qiyaasteyda waa aabbe 60 iyo bayuu da'diisu tahay, wuxuu taagan yahay darbi laamiga qarkiisa ah hooskii darbigu waxa uu ku aruuray gunta hoose, abbaarihii 11:00am barqanimo ayuu xilligu ku beegan yahay.

Ishiisa iyo dareenkiisu waxa ay ku foogan yihiin meel ku beegan hoostiisa waxa uu sameynaya hadal aan cod ahan loo maqleyn mararka qaarna gacmihiisa ayuu kala rogayaa sidii in uu qof kale u sheekeynayo.

Hareeriihiisa waxaa yaacaya oo hadba dhan u xiimaya baabuur qafilan oo masuuliyiin wadato, kuwo Ciidan iyo Baarbuur kala duwan oo kuwa rayidka ah, sidoo kale waxaa hortiisa qulqulaya dad shacaba oo midiba dhan ujeedo foolkiisu qaarbaa garbinaya odayga mise ku baraarugayo oo wuxuu ku maqan yahay meel uun uurkiisa gubtay.

Buuqa iyo hadalka dadka, hoonka iyo sawaxanka gaadiidka midna miyirkiisa sooma celinayaan oo wali waxa uu eegayaa hoostiisa isagoo isla hadlya kaligii.

Inkasta oo aan jeclaa in aan helo ama ogaado dhibaatada heysata ee qorraxada iyo buuqa dadka iyo gaadiidkaba ka dhaga tirtay ee uu ka fekerayo haddana dareenkeygu ima siin in aan odagaa suaalo sida wax ka yihiin iyo halka looga badan yahay, waayo waqtiga lagu jiro, nolosha adag iyo xaaladaha qalafsan ee dalka ayaaba ah kuwo dad badan welwel iyo wareer daran ku abuuray.

Qalbigeyga oo isna runtii ku maqan xaalka odayagaa Soomaaliyeed ayaa dhowr arrin isoo hordhigay taas oo aan u maleeyay dhibta heysata aabbahaas.

Waa mare, waxa uu saaka kasoo baxay Carruur dhowr ah oo uu miyiga kala soo xarooday abaarta darteed oo xoolihiisii ayaa ka baaba'ay ama Magaalada ayuuba dhinc ka deganaa si uu quud ay cunaan uu u raadiyo ayuu kaga soo tagay waabarigii saaka, kolkii uu hadba dhinac jidadka Magaalada u maray waxa uu wayaay meel uu wax ka jaro ama uu wax uun carruurtii dabka loo saaro ka helo xanuunka iyo xaaladaas ayaa taagtay qorraxda.

Waa markalee Odaygaan waxaa qalbigiisa dilay bugta iyo bacda dalkii oo dhan ka taagan dadkii oo dhanna sintay, xanuunka iyo uur ku taalada ay leedahay ayaa dareenka iyo qalbiguusaba ololisay, isla markaana taagtay qorraxdaa iyo boorka laamiga.

Laga yaabee xaalad waxaa oo dhan ka duwan kana xanuun badan in ay heysato isla markaana aysan jirin cid iyo Cudud maanta uga ciidamisa xaalkaas.

Si kasta oo ay noqotaba waxaa ii muuqatay aabbaahaas maanta aan ku arkay mid kamida laamiyada Muqdisho isagoo xaaladaasi ku haysato in ay korkiisa ka muuqatay duruuf nololeed oo aad u xanuun badan, isagoo muuqaal ahaanna aad u tabar darraa, qalbigeyga ayaa sidii in uu lahadlayo odaygii ku yiri "Ha oo yini Aabbo aamus"

Ma ahan markii iigu horreysay ee aan an arko waalid hooyo ama aabbe bartanka laamiga kaligii isla hadlaya isagoo waalli kale aan qabin.

Madaxda, Ganacsatada iyo cidksata ee nolol wanaagsan heysata waxaa muhim ah in dhab loo ogaado in uu jiro dhaawac ka weyn midka muuqda kaas oo gaaray Quluubta waalidiin badan oo xaaladda noloshu ku adag tahay.


Raboow silica naga saar adigaa sarreye ah oo samata bixin karaa saqiir iyo cirroolaba.

Qore: Axmed Siigaale
Siigaale000@gmail.com

Post a Comment

Previous Post Next Post