Afarta Ilmo deelleey iyo Odagii Danlaawe Qeybtii 3aad.

Ilmo deelleey iyo oda Danlaawe


Sheekada Ilma Deelleey iyo Odagii Danlaawe Qeybtii 2aad waxa aan uga soo hadalnay ama aan tilmaan gaaban kaga bixinay Doorane oo kamida 4ta Ilmo Deelleey.

Qeybtaan 2aad waxa aan isna markiisa tilmaan kooban kaga bixin doonnaa ninka lagu Magacaabo DAACAD. Aqriste fadlan nala wadaag waxad ka fahamtay sheekadaan.

Daacad.

Inkasta oo Daacad ab iyo ood wadaag la yahay ilmo deelleey iyo Odaga Dan-laawe hadana kuma dhaqan iyo dabci ahan oo waa ka damqasho dhow yahay waa markii bah ahaan la joogee.

Dhigaal kasta samaan iyo xumaan oo bahdiisu fashay kuma raad lahan, walow daacadnimo gaar ah dhexdiisa aan laga sheegin oo ay doqonimo dilootay. 

Daacad isagu qorshe buuran malahan, qaadasha qeybtiisana wixii la qasho waa muquunada ilmo deelleey, walow aysan gaar ugu darraan, ma gubna wixii uu helo nin iimansada weeye.

Kolkey joogto garbiska ilmo Deelleey dhexdooda ah Daacad waxaa Dhegtiisu u dalooshaa Daneyste iyo Doorane oo mararka qaarkood u yeeriya hadalkii uu gogosha gayn lahaa.

Daacad isagu Cadowna malahan colna ma ahan waa nin uun wali Yaambo sita oo beerasho ku mashquulsan.

Post a Comment

Previous Post Next Post