Afarta Ilmo Deelleey iyo Odagii Danlaawe. Q: 2aad

Ilmo deelleey iyo Oda Danlaawe

Sheekada Ilma Deelleey iyo Odagii Danlaawe Qeybtii 1aad waxa aan uga soo hadalnay ama aan tilmaan gaaban midkasta ka sheegnay Diiddane iyo Daneyste oo kamida 4ta Ilmo Deelleey.


Qeybtaan 2aad waxa aan isna markiisa tilmaan kaga bixin doonnaa ninka lagu Magacaabo Doorane, Qofkasta ee aqristayaasha kamida waxan ka codsaneynaa Fahamkiisa sheekadaan in uu nala wadago.

DOORANE

Doorane Degalkiisu waa bur iyo barrino kaliilo ah, deyrkiisuna waa keyn dawaco iyo Daacufle miiran ah, nasiino ma helo, ishiisuna kalsooni uma libiqsato wuxuu iska hayaa gaar.

Kaaga darane bartankiisana bowdbaa ka oodan oo waaxyihiisa howdka jiriyo kuwo deexda daadsan marbaa soofkoodu kala didaa.

Hantiyo duunyadiisii waxuu ku iibiyey Mariid iyo madaafiic uu isaga ilaasho muska bahalka ugu jira, isagoo dareensan kana fileyn danaano/hiil kuwa ay heyb wadaagta yihiin ee Ilmo deelleey iyo odagii danlaawe, habeen iyo maalin warmihiisa kor ayuu u sitaa.

Inkasta ee uu doorane ahaan jiray calansidaha Ilmo deelleey iyo odagaa danlaawe haddana waxa uu u muuqdaa mid ku dhaga go'an sadkii bari hore oo qeybtiisu suushay.

Kii soofka dhaqan jiray baladkana imaan jirin inta uu tuuray go' ii ee baladka meeraayo ee Siyaasaddaan qalaayaa iyo walaan qolana yeeleynin isu bedeshay noloshii doorane maba dareensana wuxuu taagan yahay.

Daneystoow maqal
Inaan door ah ay 
La i wada diray
Duniduba oge
Waryaa diidane
Ama daacadoow
Danlaaweheenoow
Dood u hadalkiyo
Dacwadadeydaan
Sacab iigu dara.

Kolka ay ortaa ama hadalkaa maqlaan bahdii ilmo deelleey korkooda ayaa dab ka karaa oo ka xanuunsadaan hadalkaa illeen duul dir wadaag ah oo aan dadnimo buuran lahey weeye.

Lasoco Qeybta 3aad.

W/Q: Axmed Siigaale
Siigaale000@gmail.com

Post a Comment

Previous Post Next Post