Ceelbuur Dowlad Ma Heline Dadna Ma Waysay!



Markaad si dhab ah ugu kuur gasho aadna wareysato dadka xog ogaalka u ah xaaladda ay ku sugan tahay Degmeda Ceelbuur waxa aad durbadiiba dareemeysaa xanuun, niyad-xumo iyo in la dayacay oo la hilmaamay degmedaas.

Ceelbuur waxa ay dhacdaa bariga Gobolka Galuguud waana magaalo taariikh iyo xadaarad facweyn leh kana mid ah Magaalooyinka ugu qaddiimisan dhulka Soomaalidu degto.

Sanado ka hor Ceelbuur waxa ay aheyd magaalo saxmad fiican leh horumar wanagsanna ku tallaabsaneysay gaar ahaan dhanka Waxbarashada, Caafimaadka iyo adeegyada kale ee muhiimka u ah nolosha bulshada.

Siddeed (8) sano ka hor magaalada Ceelbuur waxa ku yiil iskuulo waxbarasho oo waaweyn, kuleejyo agoonta iyo danyarta lagu xannaaneeyo waxna lagu baro kuwaas oo ay dhiseen Jaaliyado iyo sharikado Soomaaliyeed ee kasoo jeeda Ceelbuur, waxaana wax ka baran jiray gudaha iyo hareeraha Degmedaas in kakabadan 4000 oo arday oo isugu jira heerar kala duwan ee waxbarashada maaddiga ah.

Waxaa kale oo magaalada ka jiray kobac iyo isbeddel mugleh oo laga dareemayay Dhismeyaasha magaalada, ganacsiga iyo guud ahaan nolosha iyo fahamka bulshada halkaa ku nool. Maadaama Ceelbuur ay xuddun u tahay degmooyinka iyo deegaannada bariga Gobolka Galuduud iyo kuwa dhaca dhanka waqooyiga isla markaana bulsho fara badani ay ku nooleed Ceelbuur waxa ay aheyd magaalo hestay fursad iyo muhiim weyn oo dhankasta ah.

Sidoo kale degmeda Celbuur waxa ay aheyd degmo wax soo saar leh dad badanna ay nolol maalmeedkooda kasoo saaran jireen maadaama Ceelbuur laga helo ama laga soo saari jiray dhaxa burjukada oo siyaabo kala duwan loo isticmaalo, meelo badan oo gudaha iyo gobolka bariga afrikana ganacsi ahaan loo geyn jiray.

Dhaawicii koowaad ee degmedaas ay la kulantay ayaa ahaa Kooxda Alshabaab oo go'doomisay Magaalada kana dhigtay magaalo aysan gaari karain tagina karin hayadaha iyo dadka Samafalka ka shaqeeya ee u dhashay ama kasoo jeeda deegaanka, iyagoo sidoo kale faragalin dadban iyo mid toos ahba ku sameeyey Waxbarashadii ka socotay degmeda Ceelbuur iyo deegaanada u dhaw-dhaw, faragalintaas oo ugu dambeyn sababtay in ay xirmaan dhammaan goobihi waxbarashada ee Degmeda Ceelbuur iyo hareereheeda uuna damo iftiinkii iyo kobacii ka socday magaalada si lamid ah deegaannada kale ee ku hoos jiray gacanta kooxda Alshabaab.

Intaa waxaa dheer in kooxdu sida dhaqankeeduba ahaa gowrac, caburin iyo jujuub isugu dartay bulshadii halkaa ku nooleyd waxayna culeys iyo handadaad ku billaabeen dugsiyadii qur'aanka iyo masaajiddii culimada dariiqooyinka oo Ceelbuur caanka ku aheyd ugu dambenna waxa ay xireen masaajiddii iyo goobihii lagu baran jiray culuumta diinta Islaamka. Tani waxa ay sababtay in dad badan oo ku noolaa ceelbuur iyo hareereheeda ay ka hayaamaan oo isaga guuraan magaalada si ay nolol taas dhaanta u raadsadaan, waxbarashana ugu helaan carruurtooda. 

Iyadoo marba marka ka dambeysa magaalad Ceelbuur ay la daalaa dhaceysay culeyska iyo go'doominta kooxda ayaa haddana mar qura waxaa dhacday in dadkii yaraa ee gudaha magaalada ku haray ay isaga baxaan magaalada kana qaxaan kaddib markii Ciidamado fara badan oo Itoobiyaan ah ay galeen Magaalada Ceelbuur.

Saddex (3) sano ka hor ayay aheyd markii ciidamo ka socda itoobiya huwanna magaca howlgalka Amisom ay la wareegeen gacan ku heyntii magaalada Ceelbuur kana saareen kooxda Alshabaab. Ciidanka Itoobiya oo ay la socdeen ciidamo aan badneyn oo Soomaali ah waxa ay saldhigyo iyo baro ciidan ka sameynteen gudaha magaalada oo aysan dhanna u dhaafin.

Galitaanka Ciidamadaasi waxa ay dhaxashay in dhammaan shacabkii ku noolaa Ceelbuur ay dibadda uga baxaan magaalada maadaama Kooxda Alshabaab ay ku amartay shabacabka in aan qofina ku harin gudaha magaalada oo loo banneeyo ciidamada qabsaday. Dhowr qof oo isku dayay in ay guryahooda waardiyeystaana Shabaab ayaa gowracay oo dhagta dhiigga u daray.

Magaalada Celbuur Muddo 3sano ku dhaw ma jiraan wax shacab ah oo ku nool gudaha magaalada Waxaa haawanaya oo cidlo ah Jidadkii waaweynaa ee bartamaha magaalada iyo Wadooyinkii Xaafadaha. Ganacsi, Waxbarasho iyo Caafimaad iyaga warkoodba ma jiro, kaliya Ciidamada Itoobiya iyo kuwo aan badneyn oo Soomaali ah ayaa ku sugan magaalada. Waxa ay ka dhex sameynayaan cidina xog iyo faahfaahin badan kama heyso.

Cidna kama qarsoona in aysan jirin waqtigaan dowlad Soomaaliyeed oo Ceelbuur maanta u maqan ama wax u qaban karta si lamid ah deegaanno badan oo kooxdu xoog ku maamusho, se waxaa is weydiin mudan aaway waxgaradkii, aqoon yahankii, siyaasigii, haldooorkii, dhallinyardii ama ganacsadihii Ceelbuur! haddii dowlad la waayey miyaa dadkeediina la waayey! Sida bulshooyinka qaar ay ugu istaageen deegaannadooda miyeysan Ceelbuur laheyn dad ka damqada oo raadiya xal aan aheyn midka ay maanta ku sugan tahay. Maxaa ka hortaagan in ay halgan u galaan raadinta siyaasad ama xal nolol u noqda dadkii iyo deegaankii Ceelbuur.

Ugu Dambeytii Degmeda Ceelbuur waxa ay u baahan tahay garasho, gurmad iyo in maskax furan looga fekero sidii dib loogu soo nooleyn lahaa qiyamkii, noloshii iyo taariikhdii Ceelbuur Iyadoo aan laga sugeyn ama la isku halleyneyn dowlad ee cidda laga sugayaa tahay ree Ceelbuur ama ku abtirsada si loo badbaadiyo nolosha jiilka mustaqbalka.

Sawirro hore looga qaaday Xaalada Ceelbuur







WQAxmed Siigaale
Siigaale000@gmail.com, 

Post a Comment

أحدث أقدم