Gobolka Banaadir: Muxuu bi'iyoo lagu beegsaday.!!



Gobolka Banaadir oo kamida Gobollada ugu dadka badan gobollada Soomaaliyeed isla markaana ugu dhaqaalo soosaarka badan xillgaan ayaa ah gobolka aan wax matalaad ah ku laheyn aqalka sare ee Baarlamanka Soomaaliya

Haddaba Qormadan gaaban waxan ku qaadaadhigi doonnaa Gobolka banaadir qiyaasta tira koobka dadka ku nool, Wax soo saarkiisa dhaqaale, Cidda ku tiirsan, qolyaha ku lugta leh in Gobolka Banaadir uusan wax matalaad ah ku yeelan aqalka sare iyo danaha kala duwan oo ay ka leeyihiin.

Gobolka Banaadir iyo tira koobka dadkiisa.

Gobolka Banaadir waxa uu ka mid yahay ama uu yahay gobolka ugu dadka badan 18 Gobol ee Soomaaliya waxaan la sheegaa qiyaastii in ay ku nool yihiin oo ay daggan yihiin dad Soomaaliyeed oo gaaraya 3 ilaa 3.5 milyan oo ruux oo isugu jira Soomaali wayn.

Gobolka Banaadir xooggiisu waa Magaalada Muqdisho Caasimada Soomaaliya waxa ayna ka kooban tahay 17 degmo oo waaweyn.

Dhaqaalaha Gobolka Banaadir.

Sidoo kale Gobolka Banaadir waa Gobolka Xilligaan ugu dhaqaalo soo saar badan guud ahaan Gobollada wadanka dhaqaalahaas oo xooggiisu ka yimaad:

Dekadda Muqdisho.

Isha ugu muhimsan ee dhaqaalaha Gobolka Banaadir iyo Guud ahaan Soomaaliya ayaa ah Dekedda weyn ee Xamar taas oo ay ku xiran yihiin Badeeco kala duwanna kala soo gegaan Ganacsatada magac ku leh bariga afrika.

Bishii Oct ee sanadkaan wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mdne Max'ed Aadan Ibrahim "Fargeeti" ayaa warbaahinta u sheegay in celcelis ahaan Dekadda muqdisho ay kasoo gasho lacag gaareysa 13 Milyan oo doolar Bilkasta walow dadka qaar ay rumeysan yihiin lacag intaas ka badani iney kasoo xarooto dekadda Muqdiaho.

wax ka yar 17% ayaa maamulka Gobolka banaadir uu ka helaa lacagtaas halka inta kale qasnadda dowladda dhexe toos ugu dhacdo.

Garoonka Aadan Cadde international Airport.

Garoonka weyn ee Aadan Cadde ayaa isna ah ilaha ugu wax soo saarka ficn Gobolka Banaadir maadaama uu yahay garoonka ugu mashquulka iyo dhaqdhaqaaqa badan guud ahaan Goroomada Soomaaliya.

Wasiir Fargeeti  ayaa sidoo kale sheegay 1.5 ilaa 2 Malyan oo doolar bilkasta dowladu ka hesho garoonka Aadan Cadde.

Dhanka kale Gobolka Banaadir waxaa ku yaal mid kamida Suuqyada ugu waaweyn guud ahan bariga afrika kaas oo ah Suuqa loo yaqaan BAKAARO oo Dhaqaalo fara badan uga soo xarooda Gobolka Banaadir iyo dowlada Dhexe.

dhaqaalaha gobolka Banaadir laga helo iyo cidda isticmaasha.

Dhaqaalaha kasoo baxa Gobolka Banaadir waxaa ku tiiran shaqaalaha Dowladda oo ay ugu horreeyaan Madaxweynaha, Raiisul Wasraasha iyo dhammaan Golihiisa wasiiradiisa, Xubnaha Baarlamaanka, Shaqaalaha Wasaaradaha, Ciidamada kala duwan ee dowladda iyo masuuliyiin badan oo aan muuqan.

Gobolka Banaadir waa Gobolka kaliya ee Soomaaliya ku yaal ee dowladda dhexe ka qaaddo canshuurtii wadanka kuna tiirsan tahay dowladdu dhaqaalihiisa iyadoo ay jiraan Dekedo kala duwan oo dalka ka shaqeeya wax kasoo gala dowladda dhexena aysan jirin iyadoo taasi ay tahay sharci darro iyo tagri fal gaar u ah gobolka Banaadir.

Yaa diidan in Gobolka Banaadir uu Matalaad ku yeesho Aqalka Sare.

Shirarkii faraha badnaa ee Madasha Wadatashiga qaran ey ku yeesheen Muqdisho iyo baydhabo waxa si cad uga horyimi una diiday maqaamka muqdisho qaar kamid ah madaxda Dowlad Goboleedyada iyagoo aan sifo rasmiya oo diidmadooda cadeyneysa aysan la imaan Masuuliyiintaas.

Madaxweynaha Puntland C.wali gaas ayaa ka mid ahaa Madaxdii si aan gabasho laheyn u diiday maqaamka muqdisho iyadoo taa badelkeeda Uu isagu dagaal badan u galay sidii uu aqalka sare uga heli lahaa xubno dheeri ah oo sadbursi ah taasoo ugu damneyn u suurta gashay, maamul Goboleedyadana dheeraado 3 xubnood iyadoo uu qatan yahay Gobolka Banaadir.

Waa Maxay sababta ka danbeysa diidmada Xubnaha matalaadda Gobolka Banaadir..?

Madaxda qaar diidmadooda waxa ay ku saleysan tahay naceyb iyo qabyaalad iyagoo ku doodaya in Gobolka Banaadir ay u badan tahay mid kamida Beelaha Soomaaliyeed " Waa Beesha hawiyee" Sidaana loogu diiday Gobolku in uu xaqqiisa helo.

Madaxweynaha Puntland ayaa kamida dadka fikradahaas sida fog u aaminsan dhowr jeerna ku goodiyey inuu madasha isaga baxayo haddii Gobolka Banaadir lasiiyo xuno u gooniya.

Madaxda qaranka qaarkood waxa ay ka gaabsadeen in ay si qayaxan uga jawaabaan ugana hadlaan tagrifalka loo geysanayo Gobolka banaadir iyaga oo eegaya meel marinta danahooda gaarka ah.

Gunaanad

Gobolka Banaadir oo ah Gobolka Ugu dadka Badan Gobollada Dalka isla markaana ah gobolka ugu dhaqaalaha badan dowladda dhexena ay ku tiirsan tahay dhaqaalihiisa in uu matalaad ka waayo aqalka sare waa tacaddi iyo eex heerkii ugu sarreeyay oo ay falaan kooxdii madashada wadatashiga qaran la baxday.

Diin iyo xeer qoraya ma jiraan in Maamul Goboleed dadkiisu ugu badnaan 2Malyan yahay inuu helo 14 Xubnood ama 11Xubnood Gobolka Banaadir oo 3 illaa 3.5malyan oo ruux oo waliba Soomaali oo dhan ku dul nooshay uu matalaad waayo, Waana wax laga xisaabtami doono.

Soomaaliya waxaa dhibta iyo rafaadkan dhigay waa dulmi iyo eex dowladihii hore iyo kuwan dambe sameeyeen waana nasiib darro in ay waano iyo cibro qaadasho noo ahaan waayaan wixii lasoo maray, dadka ree Banaadir way dulqaateen lkn ma sii dulqaadan doonaan ee caqliga saliimka ah Madaxdeenu haku fekeraan.


W/Q: Axmed Siigaale
siigaale000@gmail.com

Post a Comment

أحدث أقدم