GAALKACYO: Madax aan gar qaadeyn & Shacab garasho laawe ah..!!


Dagaal iyo Colaad aan dhammaan ayey marti u noqotay Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug oo kamida ah magaalooyinka horumarka wanaagsan ka sameeyey xagga gacasiga iyo koboca tirada dadka.

Dagaallo aad u mooddo kuwo xilliyada ay dhacayaan hore loo qorsheeyay ayaa dhowrkii biloodba magaalada Gaalkacyo ka dhaca kauwaas oo gallaafta nolosha dad badan oo rayid ah isla markaana hanti fara badan ay ku gubato taas oo aysan jirin cid ceymis iyo xisaabtan dambe ka gasha.

Marka dib loo eego taarikhda  Gobolka Mudug Waxaa jirta in dagaalo badani ay ka dheceen Gobolkaas gaar ahaan Magaalada Gallkacyo dagaalladaas oo salka ku haya aanooyin iyo xifaaltan qabiil mararka qaarna siyaasadaha guud ee wadanka lugta la gala.  

Balse waxa dad badan su'aal kasoo celiyeen farqiga u dhexeeya Madaxda wqtigaan hoggaamisa maamulada ay kala taabacsan yihiin labada qolo ee ku dagaalameysa  gudaha magaalada gaalkacyo taas oo muujineysa in madaxda xilligaan joogta  qaarkood u muuqdaan kuwo ka qeyb ah hurinta Colaadda Gaalkacyo.

Waxaa la xusuustaa Dagaalkii ugu xumaa ee Magaalada gaalkacyo ka dhaca inuu dhacay xilligii ay noolaayeen allaha u wada naxariistee Jen: Max'ed Faarax Ceydiid iyo Col: C.laahi Yuusuf Axmed kuwaas oo iyagoon gacan shisheeye ku jirin Xallin jiray dhibta halkaa ka dhacda Heshiiskoodii ugu Dambeeyeyna lagu caano Maalay waqti aad u dheer. 

Madaxda labada Maamul Goboleed ee Galmudug iyo Puntland oo la aaminsan yahay inay aqoon ahaan ka sarreeyaan Madaxdii hore ayaa si toos ah ugu fashilmay Xallinta Dhibaatada lagu halaagsamay ee ku soo laalaabatay magaalada Galaakacyo, iyadoo xallinta colaadaas waqtigaan loo fadhiyo ayaa hadana waxa uu u muuqdaa mid beesha Caaalamku ay ku tirtirsiiday kuna qasabtay Madaxda Maamuladaas.

Marka aad dhageysato hadallada madaxda  labadaa maamul si dhab ahna aad u eegto wajiyada iyo isqaabilaada madaxda labada maamul waxaa  kuu muuqanaya ineysan halkaa nabad raagta laga rabin aysana kasoo baxayn.

dhanka kale shacabka Magaalada Gaalkacyo haddii ay muddo badan dhexdoodu dagaallameen aysanna jirin qolo laga saaray deegaanka ama laga awood sarreyn karo waxay garan la'yihiin illaa waa is dhaanto iyo dhasheedee iney Xal qaataan hadallada owr kacsiga ah ee Madaxda kasoo yeerayana aysan dhageysan dantoodana eegaan.

Madax aan gar qaadaneyn oo dhimashada dhallinyaro badan, burburka hantida fara badan iyo barakaca kumannaan shacab rayid ah kadib si qoor qabad ah Sawir dhoolla cadayn yari ka muuqato wada galaya kaas oo u muuqda mid lagu qancinayo beesha Caalamaka, waxaa iyaguna garasho la aan ah shacabka dhibtu ku dhacayso oo intaa uun daawanaya marna aan ka gilgilaneyn.


W/D: Axmed Siigaale

Siigaale000@gmail.com

Post a Comment

أحدث أقدم