Burburinta dhirta & Saameynta xun oo ay kuu yeelatay Dhulka...........

Keymaha dunnida waxay dheelitiraan hab deegaaneedka muhiimka u ah nolosha Dhulka, Waxayna saameyn weyn ku leeyihiin Cimilo gooreedka dunida waxayna dheelli tiraan Cimillada.

½ Labo meelood meel dhammaan noocyada dhirta iyo xayawaannada berriga waxa ay ku nool yihiin Dunida

Nus Qarnigii ugu dambeeyay 20% dhirta dunnida ayaa la jaray, sida lagu sheegay daraasado kala duwan ee laga sameeyey Xaalufinta Dhirta iyo Keymaha.

Ballaarinta dhul beereedka, macdan qaadashada, deegaameyn, Sameynta beero Cusub, waddooyin cusub iyo helitaanka dhuxusha ayaa kamida sababaha dhirta loo baab’iyey. laakiin tan ugu daran waa iyadoo dhirta loo jaro helidda alwaax gacnacsi laga sameeyo, waxayna horseedday arrintaa isu-dheelitirnaan la’aan cimilo iyo dabeecaddii dunnida oo isbedeshaay.

Burburinta keymaha waxay jahawareer ku keentay cimillada dunnida, waayo keymahu waxay soo saaraan cimilo iyo hawo aan ku noolaan karno.

Culimada ku xeeldheer deegaaanka ayaa ka digaya in muddo gaaban gudeheed is bedel ku imaanayo Cimilada iyo nolosha aadanaha haddii aan laga hortagin baabi’inta dhirta iyo keymaha.

Keymo- roobeedku, aad ayeey muhiim ugu yihiin habka cimilada dunnida burburintooda, waxay keeni kartaa abaaro, daadad iyo carro- guur deegaan, taasoo weli horay uga dhicin dunnida.

Baabi’nta dhirta iyo isbeddelka ku yimid cimillada ayaa raadxun ku yeeshay xayawaan iyo dhir badan.

Soomaaliya iyo baabi’inta Dhirta

Dhulka Soomaaliya oo horeba u ahaa dhul aan keymo badan laheyn muuqaalkiisa guudna lagu sheego in uu u yahay saxaro u eke ayaa hadana burburkii dowladdi dhexe waxay meesha ka saartay ilaalintii dhirta iyo duurjoogta Soomaaliyeed.

Waxaa la gubay dhir fara badan oo manaaficaad kala duwan laga heli jiray si looga sameeyo dhuxul inteeda badan loo dhoofiyo wadamada carabta taas oo dad badani dhaqaalo ka abuuraan.

Jarintaanka dhirta waxa ay meesha ka saartay nolosha kumanaan nooc oo xayawaannada duurjoogta ah iyagoo qax iyo qul-qul ku galay wadamada dariska ah halkaa oo ay badbaado iyo gabbaad ka heleen.

Jaritaanka dhirta iyo burburinta keymaha koofurta fog ee Soomaaliya waxay horseeday in roobabkii ay yaraadan taas oo laga dhaxlay aabaaro 15kii sano ee ugu dambeysay kusoo laalaabtay Soomaaliya.

Dhuxusha laga dhoofiyo koofurta Soomaaliya waxaa warbixino badan lagu soo saaray iney faaiido fara badan oo gaaraysa illaa 3Milyan oo doolar sanadkii ay ka helaan Ciidamada kenya ee ku sugan Gobollada jubbooyinka iyagoo gacan siiya kooxaha dhuxusha ka ganacsada ee sida sharci darrada ah kaga dhoofiya Dekeda Magaalada kismaanyo  iyo Degaanka KUDHAA.

Marka la eego bartamaha Soomaaliya waxaa 90% ka hayaamay duurjoogtii ku nooleyd halkaa kadib markii la baabi’iyay dhirtii gabbaadka u aheyd duurjoogta, waxaa sidaas oo kale xaalufintu ka jirtaa Gobollada woqoyiga iyo bariga walow dadaal badaan ay u galeen sidii ay uga hortagi lahaayeen jaridda dhirta.

Waxaan Jirin  xukun dowlo ee sal adag oo ka hortaga baabi’inta dhirta maadmaa laga cabsi qabo in aafooyin daran ay soo wajahaan bulshada Soomaalida haddii aan degdeg wax looga qaban burburinta dhirta.



W/D: Axmed Siigaale
Siigaale000@gmail.com

Post a Comment

أحدث أقدم