Dagaal iyo Colaad aan dhammaan ayey marti u noqotay
Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug oo kamida ah magaalooyinka
horumarka wanaagsan ka sameeyey xagga gacasiga iyo koboca tirada dadka.
Dagaallo aad u mooddo kuwo xilliyada ay dhacayaan hore loo
qorsheeyay ayaa dhowrkii biloodba magaalada Gaalkacyo ka dhaca kauwaas oo
gallaafta nolosha dad badan oo rayid ah isla markaana hanti fara badan ay ku
gubato taas oo aysan jirin cid ceymis iyo xisaabtan dambe ka gasha.
Marka dib loo eego taarikhda Gobolka Mudug Waxaa jirta in dagaalo badani ay
ka dheceen Gobolkaas gaar ahaan Magaalada Gallkacyo dagaalladaas oo salka ku haya
aanooyin iyo xifaaltan qabiil mararka qaarna siyaasadaha guud ee wadanka lugta
la gala.
Balse waxa dad badan su'aal kasoo celiyeen farqiga u
dhexeeya Madaxda wqtigaan hoggaamisa maamulada ay kala taabacsan yihiin labada qolo
ee ku dagaalameysa gudaha magaalada
gaalkacyo taas oo muujineysa in madaxda xilligaan joogta qaarkood u muuqdaan kuwo ka qeyb ah hurinta
Colaadda Gaalkacyo.
Waxaa la xusuustaa Dagaalkii ugu xumaa ee Magaalada
gaalkacyo ka dhaca inuu dhacay xilligii ay noolaayeen allaha u wada naxariistee
Jen: Max'ed Faarax Ceydiid iyo Col: C.laahi Yuusuf Axmed kuwaas oo iyagoon
gacan shisheeye ku jirin Xallin jiray dhibta halkaa ka dhacda Heshiiskoodii ugu
Dambeeyeyna lagu caano Maalay waqti aad u dheer.
Madaxda labada Maamul Goboleed ee Galmudug iyo Puntland oo
la aaminsan yahay inay aqoon ahaan ka sarreeyaan Madaxdii hore ayaa si toos ah
ugu fashilmay Xallinta Dhibaatada lagu halaagsamay ee ku soo laalaabatay
magaalada Galaakacyo, iyadoo xallinta colaadaas waqtigaan loo fadhiyo ayaa
hadana waxa uu u muuqdaa mid beesha Caaalamku ay ku tirtirsiiday kuna qasabtay
Madaxda Maamuladaas.
Marka aad dhageysato hadallada madaxda labadaa maamul si dhab ahna aad u eegto
wajiyada iyo isqaabilaada madaxda labada maamul waxaa kuu muuqanaya ineysan halkaa nabad raagta laga rabin aysana kasoo baxayn.
dhanka kale shacabka Magaalada Gaalkacyo haddii ay muddo
badan dhexdoodu dagaallameen aysanna jirin qolo laga saaray deegaanka ama laga
awood sarreyn karo waxay garan la'yihiin illaa waa is dhaanto iyo dhasheedee
iney Xal qaataan hadallada owr kacsiga ah ee Madaxda kasoo yeerayana aysan
dhageysan dantoodana eegaan.
Madax aan gar qaadaneyn oo dhimashada dhallinyaro badan,
burburka hantida fara badan iyo barakaca kumannaan shacab rayid ah kadib si
qoor qabad ah Sawir dhoolla cadayn yari ka muuqato wada galaya kaas oo u muuqda
mid lagu qancinayo beesha Caalamaka, waxaa iyaguna garasho la aan ah shacabka dhibtu
ku dhacayso oo intaa uun daawanaya marna aan ka gilgilaneyn.
W/D: Axmed Siigaale
Siigaale000@gmail.com
Post a Comment