Dhammaan maamullada Wadanka waxaa ka soconaya doorashada aqalka Hoose ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, iyadoo dhawaana la soo gabagabeeyay inta badan doorashadii aqalka Sare ee baarlamanka Soomaaliya.
Doorashada waqtigan kasocota wadanka ayaa xiise gooni ah leh marka la eego doorashooyinkii wadanka hore uga dhici jiray iyadoo qaab ahaana ay kala duwan yihiin nidaamkii doorasho ee sanadihii hore iyo ka hadda la isticmaalayo.
275ka Xubnood ee baarlamaanka federaalka ee lagu dooranayo Gobollada wadanka waxa xubinkasta oo kamida Xildhibaanadaas soo dooranaya 51 ergo ah oo beesha kursigaas leh ay soo xushaan.
Qiyaastii in ka badan 1000 qofood ayaa tartan ugu jira kamid noqoshada 275ka Xildhibaan ee baarlamaanka oo waqtigaan xulashadoodu ka socoto Galmudug, Jubbaland, Koofur-Galbeed, Puntland, Hirshabeelle, Banaadir iyo Gobollada woqooyi ee qeybtooda Xamar lagu xuli doono.
Ninba Si ku doon helidda Kursiga
Helidda Kursiga xildhibaan ayaa noqday baadi heliddeeda baahi wayn loo qabo oo habab kala duwan loo marayo iyadoo qof kasta ee doonaya kursigaasi uu isticmaalayo tabar, tab iyo tigaad kasta ee uu ku hanan karo kursigaas.
waxaa jirta dhowr arrimood oo xiise iyo qiime weyn u yeelay helista kursi xildhibaan ee baarlaamanka Federaalka Soomaaliya, arrimahaa oo ay ugu muhimsan yihiin:
- Loolan Xisbi
Nidaamka Xisbiyada ee aan wali wadankeena si rasmiya uga hana qaadin ayaa waqtigaan laga dareemayaa iney saameyn kooban ku leeyihiin xulashada kuraasta baarlamaanka iyadoo aad arkeyso masuuliyiin ku jirta xisbiyada qaar oo dadaal badan ugu jira kamid noqoshada baarlamaanka halka qaar kale oo kamida axsaabtana ay olole xooggan ugu jiraan sidii ay usoo bixi lahaayeen xildhibaan ama xildhibaano ay isku xisbi yihiin.
- Ganacsato
Markaad qiimeyso oo aad u kuur gasho musharrixiinta ka tartamaya inta badan gobollada wadanka waxaa safka hore kaga jira shakhsiyaad maal qabeeno ah oo caan ah kuwaa oo u xusul doobaya kamid noqoshada iyo hanashada kursiga baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, iyadoo dadka qaar ay u arkaan in ujeedka ganacsatadu yahay sidii ay u heli lahaayeen masuuliyad ay ku ilaaliyaan kuna sii horumariyaan ganacsigooda gaarka ah.
waxaa iyaguna tartanka ka marneyn tartamayaal xambaarsan fikrado Shisheeye, iyo Fikrado qabiil kuwaa oo loolan xoogan dhankooda ka wada sidii ay u hanan lahaayeen awoodda kursiga baarlamaanka
Sid kastaba hanoqotee iyadoo aan cadeyn rasmiya loo heyn qaar badan oo kamida musharixiintaan faraha badan ee kala dan iyo aragtida ah waxa ay ka bedeli doonaan xaaladda murugsan ee Soomaaliya ayaa hadana masuul kasta xusul duub ugu jiraa hanashada kursiga baarlamaanka Soomaaliya isagoo Xod-xodasho, Xeel ama xoog tii uu wax ku heli karo isticmaalaya.
W/Q: Axmed Siigaale
siigaale000@gmail.com
Post a Comment