DHUUSA-MARREEB: DADKII AY LAHEYD IYO HAL-DOORNA MA WEYSAY..?

Dhuusa marreeb


War Gobolkaad ku dhalateen abwaan gaarey baan aheye
Galgaduud Xaqiiqdey aheyd waan kasoo guraye
Gefna kuma tilmaamine dalkii way u gaabiday e
Gam'i maayo ruuxii arkaa Gurigii daardheere
Qalbigaada galinmee iney Gobol aheyd waaye
Ganacsadana waad leedihiin gaaray heer sare e
Goor iyo ayaan Meel kalaad maalka galisaane
Goobtii Mudneyd waad gabteen garashadeydiiye

Qeyb Kamida Gabaygii Farriin Gobol
Abwaan: Cabdi Yare Xasan Muuse
Feb. 2003

Magaalada Dhuusamareeb Waa Xarunta Gobolka Galguduud ee bartamaha Soomaaliya, Waa Magaalo magac iyo maamus wacan ku laheyd Gobolka kana horreeyn jirtay qaar kamida magaalooyinka dhiggeeda ah ee Dalka waqti sii horreeyey.

Dhuusamareeb waxaa si buuxda uga taliya Maamulka Gobollada dhexe ee uu Madaxa ka yahay Sheikh Max'ed Shaakir Cali Xasan Waana Magaalo uu ka jiro amni la isku halleyn karo.

Magaalda Dhuusmareeb waqtigaan waxay u muuqataa Magaalo aan helin garab iyo Gurmad ballaaran oo dib loogu dhiso taasoo ka dhigtay in ay ka gaabido Gobollada asaaggeed ah amaba qaar kamida Degmooyinka iyada hoos yimaada.

Waxaa la wada ogsoon yahay dalka in aysan ka jirin dowlad si buuxda u maamusha ama laga dhowro dib u dhiska iyo dib usoo nooleynta adeeggii bulshada taas bedelkeeda waxaa Deegaanada qaar is xilqaamay Dadkii u dhashay ama ku dhashay oo dib u howl galiyey Xarumihii Waxbarashada, Caafimaadka, Biyaha, Maamulka Dadweynaha iyo waxkasta ee degmo u baahan tahay.

Inkasta oo Magaalada Dhuusamareeb ay heysato qeybo muhim ah oo kamida adeeggaa haddana xaqiiqada ayaa ah in uu aad u hooseeyo adeeggaas garab iyo gurmad mug lehna aysan ka helin bulshada Deegaankaa ku abtirsata.

Bulshada ku dhaqan Magaaladaa Dhuusamareeb waxa ay u baahan yihiin in loo gurmado isla markaana la helo dad ka fekera aayaha Gobolka si loo hago ama loo qurxiyo Wajiga Mustaqbalka dhow iyo kan fogba uu yeelan doono deegaanku, si taas loo suura galiyo waa muhim in la helo dad si hagar la'aana oo naf hurnimo leh ku shaqeeya kana dhex shaqeyn kara siyaasadaha miliqsan ee ka jira guud ahaan Soomaaliya gaar ahaan aggaas.

Ma habboona in horumarka deegaanka aad uga joogsato sababo la xiriirta siyaasadda deegaanka ka jirta waayo waxaa hubaal ah in ugu dambeyn laga gudbi doono isjeedka iyo ismari waaga siyaasadeed, sida aad hadda uga fekerto dhismaha iyo badbaadinta deegaanka ayuu markasta ahan doonaa xittaa haddii isbedello waaweyn ka dhacaan Gobolkaa.

Waxaan ku soo gaabinaa qoraalkeygan gaaban ee "DHUUSAMAREEB DADKII AY LAHEYD IYO HAL-DOORNA MA WEYSAY" in la sameeyo dhaqaaq ku saabsan dib u soo nooleynta magacii iyo Maamuuskii Magaalada iyadoo la kaashanayo cidkasta oo gacan ka geysan karta oo ay ugu horreeyaan Maamulka hadda ka taliya deegaanka.


W/Q: Axmed Siigaale
Siigaale000@gmail.com

Post a Comment

أحدث أقدم