Maxaad ka taqaanaa Ururka Garaad.? + Waxqabadkiisii 5sano kadib. Xog badan ka ogow.

Dood wadaag iyo aragtiyo ku aadan sida dhallinyaradu uga qeyb noqon karto horumarka wadanka oo mudo soconayey kadib, 4 - Nov - 2011 Maalinnimo jumce ah waxaa si rasmiya hoosta looga xarriiqay laguna unkay dhismaha ururkan GARAAD oo loogu talagalay iney dhallinyaradu maskaxdooda, Maalkooda iyo muruqooda isugu keenaan si ay mustaqbalka dhow ama fog isbedelka horumarneed ee wadanka uga qeyb qaataan.

Si kooban marka loo qeexo Ururka GARAAD waa urur wadani ah, Dowlad, Urur ama hayado gaar ah oo uu ku xiran yahayna aysan jirin.

Haddaba si aan xog kaga helno jirtaankii ururka Garaad 5sano kadib waxa u qabsoomay waxaa aan dib u milicsaneynaa ujeedooyinkii loo aasaasay dhismaha ururkaan oo ay kamid ahaayeen.
  • wax ka qabashada horumarinta iyo tayenta waxbarashada dalka gaar ahaan Gobollada dhexe
  • wax ka badalidda dhibaatooyinka dhaqan-dhaqaale ee horumarka bulshada hoos u dhigay
  • Dib u raadinta, Qorista, iyo keydinta dhaqankii iyo suugaantii afkeena hooyo.
  • iyo ujeedooyin kale oo aanan halkan kusoo koobi karin
Haddaba dhismaha ururka Garaad kadib waxa ay dhallinyaradu si hagar la'aana ugu howl galeen sidii ay uga mira dhalin lahaayeen hadafkooda iyo ujeedooyinkooda iyadoo runtii dhallinyarada howahaas u kacday ay ahaayeen dhallinyaro da'yar, oo Waxbarata tabar dhaqaale oo buuranna aan heysan balse qalbi cugan, heegan oo u daraban inuu midnimo iyo isku tashi wax ku qabto leh ayay ahaayeen.

Isbedel iyo horumar in la muujiyo ayaa ah mid u baahan waqti badan, Dulqaad iyo iskaashi hagar la'aaneed.

Usbuucaan waxa uu garaad u yahay Sanad guuro 5aad, isagoo sanadkii 6aad uu u bilowday, Hadaba haddii mid iyo labo ka sheegno wixii mudadaa u qabsoomay.


  • Dhanka Waxbarashada

Iyagoo ka duulaya iney xaqiijiyaan hadafkoodii una bidhaamiyaan bulshada in la isku fillaan karo ayaa ururka Garaad waxa uu iskuul ka hirgaliyey magaalada Dhuusamarewb xarunta Gobolka Galguduud.

Dugsiga Hoose dhexe iyo sare ee Gurmad waa iskuulka ururku uu ka furay dhuusamareeb oo ay ka faaiideystaan dhowr boqol oo carruur Soomaaliyeed ah oo si bilaash ah ama lacag la'aan ah wax kaga barta iskuulkaas.

Dhanka waxbarashada GARAAD waxa uu sido kale Caawiyey arday kasoo qalin jabisay Dugsiyada sare ee dalka kuwaa oo awoodi waayey inay ku biiraan jaamacadaha kadib markii uu minxooyin kaga helay qaar kamida jaamacadaha Wadanka.

Sidoo kale in kabadan 160 ruux ayuu garaad u tabaray xirfado kala duwan sida Ku shaqeynta Computers-ka, Barashada Gargaarka degdega ah kuwoo oo runtii ka faaiiday qaarkoodna maanta u shaqeeya hayadaha qaar ka howl gala Gobolka Galguduud.

  • Wacyigalinta Bulshada

Ururku waxa uu goobo badan oo dhaca gobolka Galguduud ka qabtay wacyigalino kusaabsan isdhexgalka Bulshada, wadajirka iyo walaalnimada bulshada, beegsiga iyo barashada aqoonta, dhowrista iyo ilaalinta dhirta kuwaa oo bulshadu baahi weyn u qabtay.

  • Dhaqanka iyo Suugaanta

Ururka Garaad waxa uu si gaar ah masuuliyad isaga saaray sidii loo horumarin lahaa dhaqanka iyo afkeena hooyo taas uu lafdhabar u ah jiritaanka Magaca iyo maamuuska Soomaalinimo.

Waxaa jirta oraah Suugaanleydu isticmaalaan " Umadi waxa ay jirtaa inta luqaddoodu jirto, Luqaduna Waxa ay jirtaa inta dhaqankoodu jiro, Dhaqankuna wuxuu jiraa inta dadkiisu dhowrayaan"

Ururka Garaad wuxuu waqti badan ku bixiyey raadinta raadkii abwaanadii iyo hal-abuurkii Soomaaliyeed gaar ahaan Gobollada dhexe oo runtii u baahan in raadin, Qoris iyo keydinba lagu Sameeyo.

Dhawaan ururka GARAAD waxa uu soo saari doonaa soona bandhigi doonaa buug horudhac ah oo ku saabsan taariikhda suugaanleydii Gobollada dhexe iyo suugaantoodiiba sida uu ii xaqiijiyey Gudoomiyaha Ururka Garaad Xasan Nuur Sheikh Axmed Cabdulle.

Ururka Garaad ayaan helin gacan qabasho buuran ee xagga dhaqaalaha ah taas oo sababtay inuusan ururku ku tallaabsan qorsheyaal muhim ah oo ahdaafta ururka ka mid ahaa, 4ta sano ee Soo socota ururka Garaad waxa uu hiigsanayaa inuu gaaro horumar bulshadu ay mahdin doonto sida ay ka dhawaajiyeen masuuliyiinta Garaad.

Go'aankeenu waa reerka 
oon Gugu halkuu taabtay
iyo guri barwaaqo ah dhignaa
galab aan dheereyne 
Hayeeshee gacmuhu
wadajir bey libin ku gaaraan (Abwaan Shuuriye)

Intaa ayaan kusoo gaabinayaa Xogtaan maadaama aan halkan aan lagu soo idleyn karin waxqabadii Ururka GARAAD.

Sawiro








W/D: Axmed Siigaale
siigaale000@gmail.om


Post a Comment

أحدث أقدم