Damaca Imaaraadka iyo Dabacsanaanta Madaxda.


Dhaawicii hashii maandeeq soo gaaray 1991 kadib markii uu dalku burburay ayaa tan iyo xilligaas ahaa mid iska jiitamaya iyadoo waaxyaha ay ku dhagganaayeen cadow fara badan oo isugu jira gudaha dariska iyo dibad fog ba.

Inkasta oo halbowlayaashu hore u go'een ayeysan wali maandeeq nolosha ka quusan oo waxa ay rumeysan tahay maahmaadii Soomaaliyeed ee aheyd "haddii aad dhimaneyso dhareerka waa la iska duwaa"

Ma doonayo inaan ku fogaado diifta Maandeeq, wixii dhibaato ay lasoo daristay iyo cidkasta oo dabinkii loo dhigay wax dhistay.

Bulshada Soomaalida ayaa intooda badani rumeysan iney dhisamaha dowladnimadeena ay hortaaganyihiin dowladaha dariskaa iyo dowlado islaamnimadeena la dirirsan kaliya.

Balse dadka falanqeeya siyaasadaha Soomaaliya ayaa qiraya in dowlado badan oo Soomaalidu walaalnimo diineed ka dugsanayaan ay yihiin cadowgooda aan jecleyn nolosha iyo dhisamaha Dowlad sal adag ee Soomaaliyeed.


IMAARAADKA CARABTA

Dowladda imaaraadka Carabtu waxa ay ka mid tahay dowladaha gacanta qarsoon iyo midda muuqata kula jirta siyaasadda Soomaaliya iyadoo dano badan xambaarsan kuwaa oo isugu jira kuwo Dhaqaale iyo Kuwo  amni.

28 October 2016 ayey aheyd markii dowladda Imaaraadu shir gaar ah ay ugu yeertay dhamaan hoggaamiyeyaasha maamul Goboleedyada iyo qaarka mida madaxda sare ee wadanka, iyadoo kulankani uu kusoo beegmayo xilli marxalad adag oo kala guur ah wadanku uu ku jiro.

Arrimaha Doorashada iyo Imaaraadka

Inkasta oo aan si rasmiya loo qeexi karin ujeedka dhabta ah ee ka dambeeya kulamadaan ayaa hadana dadka xog ogaalka ka ah danaha imaaradka ee soomaaliya ayaa ku tilmaamaya in Imaaraadka Carabtu uu si toos ah u rabo inuu saameyn muuqata ku yeesho doorashada hoggaanka sare ee soomaaliya ee waqtigaan ka socota Xarumaha maamul Goboleedyada wadanka iyo Caasimadda Muqdisho.

Dowladda Imaaraadka ayaa madaxda maamul Goboleedyada soo hordhigtay sida ay u rabto in uu noqdo isbedelka cusub ee soomaaliya iyadoo lasoo xaqiijinayo in Imaaraadku ay ka codsatay madaxda maamullada sidii loo soo saari lahaa shakhsiyaad gaar ah oo ay rabto iney qabtaan talada ugu sarreysa Dalka Soomaaliya.

Waa Maxay danaha Imaaraadku

Habayaraatee waxaa la rumeysan yahay qorshaha Imaaraadku uu wado ineysan wax dan ah Soomaaliya ugu jirin taas badelkeedana faaiido badan ay imaaraadka ugu jirto.  si kooban markaan u iftiimino danaha Imaaraadu uu leeyahay.
  • Imaaraadka waxaa lagu eedeynayaa inuu dowr weyn ku leeyahay qorshaha muranka badda Soomaaliya la galiyey iyadoo shirkadda heysata qandaraasyada ee shidaal baarista kenya 40% imaaraadku  leeyahy.
  • Dhismaha dowlad Soomaaliyeed ee sal adag waxa ay burbur dhaqaale ku tahay imaaraadka marka la eego istaraatiijiyada ay Soomaaliya dhacdo, si looga hortago in la carqaladeeyo dhaqaalahaas imaaraadku waxa uu ku dadaalayaa in Soomaaliya ay kasoo saarto hoggaan iyada danaheeda ilaaliya.
  • Sidoo kale Imaaraadka ayaa bilihii ugu dambeeyey waday qorshe uu kula wareegayo Dekedda barbara ee Gobollada waqooyi iyadoo heshiiyo la gashay maamulka Soomaaliland, si loo ilaaliyo loona sii socodsiiyo qorashaas waxa uu xoogga saarayaa imaaraadku inuu soo saaro dad isagu uu wax u qoro.
intaas iyo in kabadan oo arrimo amni ay ku jiraan ayaa imaaraadku ka leeyahay Soomaaliya taas ayaana keentay in waqtigaan xasaasiga ah uu kulamo ugu yeero madaxda maamul Goboleedyada iyo qaar kamid ah madax dowladda dhexe.

Dabacsanaanta Madaxda Soomaalida

Waxaa hubaal ah in aysan jirin qorshe dhisan oo dhameystirin oo madaxda maamul Goboleedyadu ku wajahayaan arrinta taas bedelkeedna kala hadal kala dan iyo kala dhuumasho ay ku qaabilayaan madaxda imaaraadka oo dano gaar ah iyagu ka leh Soomaaliya.

Imaaraadku haddii uu ku guuleysto damciisa waxa ay dhaawaac kabashadiisu dheeraato ku noqon doontaa bulshada Soomaaliyeed oo iyadu hore ula daalaa dhaceysay jallaafooyin hore loogu dhigay.

Soomaaliya ayaa soo ka bashadeeda waxaa ku hor gudban daneestayaal damiir laaweyaal u badan oo ay u muuqato kaliya waxa maarka ka hormuuqada iyo Dowlado xaalufin ba'an iyo burburin Dhaqaale,ciidan iyo bulshaba ku haya Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa dhowreysa iney mar uun usoo kacaan halyeeyo hal doora oo si Soomaalinimo ah uga fekera ayaa fog iyo danaha Soomaali weyn kuwaas oo iney soo baxaan ay adkaan doonto marka la eego jallaafooyinka loo dhigay soomaalida.


W/D: Axmed Siigaale
Siigaale000@gmail.com

Post a Comment

أحدث أقدم