ISMAAN DHAAFKA DOORASHADA. Sii Akhri......

Guddiga doorashooyinka qaran ayaa dhawaan ku dhawaaqay in Xunbaha aqalka hoose ee Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe lagu soo dooran doono Magaalada Muqdisho Caasimada Wadanka.

Ka hor inta aysan shaacin Guddigu waxaa ka horreeyey Kulan ay la qaateen inta badan Odayaasha dhaqanka ee labadaa Gobol ugu jiray 135tii Oday ee Saxiixa-yaasha ahaa.

Sida uu Xaqiijiyey ama uu warbaahinta ka sheegay Gudoomyaha Guddiga Doorashooyinka heer Qaran Mr. Cumar Dhagey waxuu yiri "marka laga reebo labo (2) Oday dhaqameed maahane intii kale waxa ay isku raaceen in Magaalda Muqdisho lagu soo xulo xildhibaanada Cusub ee Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe".

Inkasta oo uu sheegay Gudoomiye Cumar dhagey iney la tashan doonaan Labada Oday uuna ka codsaday iney go'aanka aqlabiyaddaa wax ka qaataan hadda waxa durbadiiba soo baxay diidmo kulul oo ka timi Ugaask Beesha Xawaadle Ugaas xasan iyo Siyaasiyiin ay heyb wadaag yihiin.

Dhanka kale waxaa Maanta Ku biiray diidmadii looga soo horjeeday talo soo jeedintii Odayasha iyo go'aankii Guddiga Doorashooyinka Ra'iisul Wasaaraha Waqtigiisu sii dhamaanayo ahna Musharrax Madaxweyne 2016 Mdne Cumar C.rishiid Cali Sharma'arke.

Haddaba sida aan aragnay waxaa markii labaad dib u dhac kuyimi jadwalka Doorashada 2016 loo sameeyey sababo la xiriira is qabqabsi iyo is aamin la'aan iyadoo Masuuliyiintu mid kasta dano gaar ah eegayo.

Su'aalaha is weydiinta mudan ayaa ah Guddiga doorashooyinka ee Madaxa bannaan ee loo sameeyey Doorashada 2016 haddii ay soo saareen go'aan ay xal u arkeen, saameyn intee la eg ayuu ku yeelan karaa hadalka ra'iisul wasaaraha waqtigiisu idlaaday ahna Musharax uu kaga horyimi Go'aanka Guddiga.

Dib udhac dambe oo doorashada ku yimaada si looga badbaado sow mahaboona in guddiga faraha looga qaado shaqada loo igmaday wixii talo lagu biirin karana lala wadaago.

Waxay ila tahay tallaabada la tashiga ah iyo go'aanka xalka loo arkay oo ay qaateen Guddiga doorashooyinku wuxuu mudan yahay in la dhowro lana tixgaliyo gaar ahaan madaxda xilkoodu dhamaaday, dhaqanka labada Gobol iyo Dhaamn Siyaasiyiinta Xildoonka ah.

Waxaa muhim ah in doorashada 2016 ay noo noqoto Doorasho hagaagsan muuqaal qurxoonna u gudbisa Caalamka daneeya arrimaha Soomaaliya.


W/Q: Axmed Siigaale
Www.siigaale000@gmail.com

Post a Comment

Previous Post Next Post