HAGAAJI AFKEENA HOOYO.

Inkasta oo dowladdii dhexe ka dib afkeenu uu san helin horumarintii uu u baahnaa haddana waxa ku hadla bulsho weyn aqoontoodu sare u kacday waqtiyadii Dambe.

Marka aad eegto Baraha bulshada Soomaalidu isticmaalaan kuna soo bandhigaan Qoraalo Xambaarsan fikarado, Aragtiyo ama Ujeedooyin kala duwan waxaa durbaba kaaga dhex muuqanaya khaldaad badan sida: Qalad Qoraaleed ama Qalad Micnaha hadalka Duwaya.

Waxaa loo baahan yahay in Qorista iyo barashada luqadeena wax badan laga fahamsiiyo qaar kamida Bulshada Soomaaliyeed Gaar ahaan Jiilka Soo koraya.

Mararka qaar ayaad arkeysaa Qoraalo baraha bulshada qof Soomaali ah uu soo dhigay hadana aadan aqrin karin, taas oo nasiib darro ah waayo waxa aad u soo badanaya dadka noocaas ah waxaa ayna meesha ka saareysaa qiimaha Afkeena Hooyo.

Afkaaga Hooyo inaad gaar wax ugu qorto waa Sharaf iyo qurux balse waxaa fool xumo ah in luqado "Afaf" aan is laheyn aad hal Qormo ama qoraal kooban ku soo wada qorto taas oo qaar kamida jiilasha cusub ay u arkaan qurux iyo Horumar.

Af-keena Hooyo hadeynaan hagaajin yaa noo hagaajinaya.

W/Q: Axmed Siigaale
Www.siigaale000@gmail.com

Post a Comment

أحدث أقدم