AQRI TAARIIKH NOLOLEEDKII AUN JENERAAL GOOBAALE

Allaha u naxaristo Sarreeye Guuto Jen: Max’ed Rooble Jimcaale Goobaale waxa uu ku dhashay Deegaanka DABAGALO ee hoostaga Degmeda Xaradheere ee Gobolkaasi Mudug Sanaddii 1957.

Jen: Goobaale Barashada Qur’aanka kariimka ah waxa uu ku qaatay Demeda Xaradheere Isagoo kadibna u wareegay degmeda Sablaale ee Gobolka Jubada Dhexe halkaas oo uu ku qaatay dugsi hoose iyo Dhexe.

1975kii ayuu Jeneraalku waxbarashadiisa Dugsiga sare ku dhameystay Muqdisho isagoo Kadibna ku biiray ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed sanadii 1976kii.

Tababarka ciidanka oo uu ku qaatay Jeneraalku Dugsiga Tababarka ciidanka ee HIILWEYNE kadib wuxuu ku biiray Ciidankii Xoogga Dalka Qeynta 26aad Guutadii 15aad Ururkii 145aad ee Fadhigiisu ahaa Gobollada Woqooyi ee Dalkeena Soomaaliya.

Jeneraal Max’ed Rooble Jimcaale Goobaale waxa uu kamid ahaa askartii ka qeyb gashay dagaalkii Xoreynta Dhulka Soomaali Galbeed isagoo ugu Dambeyna Billad Geesi qaatay  1978.

Allaha u naxariisto Jeneraal Goobaale waxa uu galay Kooras ciidan isagoo sanadii 1982 u dallacay XIDIGLE, sidoo kale 1984 ayuu markale u dallacay 2Xidigle waxaana loo dhibay isla waqtigaa Hoggaanka Waaxda Saadka taliska 26aad ee Ciidanka Xoogga Dalka.

1986 wuxuu u dallacay Kabtan ama dhamme isagoo loo tix galiyey inuu ka mid yahay tiir dhexaadka taliska qeybta 26aad.
1989 ayuu Generaal Goobaale u dallacay Gaanshaanle kadibna dowladdii dhexe ay bur-burtay isagoo wali ka tirsanaa ciidanka Qaranka.

Allaha u naxariistee Jeneraal Max’ed Rooble Jimcaale Goobaale waxa uu markale ka qeyb noqoday Ciidamdii la shaqeyn jiray Dowladdii uu madaxweynaha ka ahaa C.qaasim Salaad Xasan isagoo Jeneraalku 2001  loo dallacsiiyey Gaashaanle dhexe.

Sidoo kale 2003 waxa Jeneraal Goobaale loo dallacsiiyey Gaashaanle Sare.

July 2011 ayuu Jeneraal Goobaale u dallacay darajada JENERAAL waqtigii Madaxweyne Sheikh Shariif Sheikh Axmed.
Naxariistii Janno allaha siiyo Jeneraal Goobaale waxa uu kamid ahaa askartii iyo taliskii ciidamada Soomaaliyeed ee waqtiga badan ku bixiyey Dowladnimada Soomaaliya sidii ay markale Cagaheeda isugu taaagi laheyd.

Jen: Goobaale waxa kale ee uu soo noqday taliyaha aminga Gobolka Shabeellada Hoose xilligii Dowladdii ceydiid, Sidoo kale wuxuu noqday Gudoomiyaha aminiga ahna taliyaha Ciidankii Isbaheysiga dooxada Jubba oo fadhigoodu ahaa kismaanyo.

Jeneraal Goobaale oo maalintii shalay aheyd kooxaha argagixisadu qarax ismiidaamin ah ku khaarijiyeen waxa uu ifka kaga tagay 4xaas iyo 45 Carrur ah.

Allaah Jannadiisa ha ugu deeqo wuxuu kamid ahaa Daljirayaasha Dahsoon isagoo noloshiisana ku soo qaatay Difaaca iyo nooleynta dowladnimada.

Xigasho:
G.Dh. XDS:  Max’ed Cabulle Cali
2X. XDS: Cabdi Cali Xalane
2X. XDS: Max’ed Nuur Cabdulle

W/ D: Axmed Siigaale.
Www.siigaale.com

Post a Comment

أحدث أقدم