SHEEKO GAABAN: Afarta Ilmo Deelleey iyo Odagii Dan-laawe: Qeybtii 1aad

Ilo deelleey & oda danlaawe


Waa sheeko gaaban oo ku saabsan 5ta nin ee aan u bixiyey Diiddane, Daneyste, Doorane, Daacad iyo Danlaanwe.

Waa heyb, habar iyo haro wadaag afarta ilama deelleey iyo duqa Dan-laawe balse ma jiro hiil, hunguri iyo himilo ka dhaxeysa dhammantood midkastaa waa tiisa doonte tu kale aan daryeelin waxaase nasiib darro ah in doonista nin kastaa uusan darajo iyo deeq toona ka gaarin.

Aan dib u laabto 4ta ilmo Deelleey iyo duqa Dan-laawe inaan mid kasta dul istaago si aan darsi kooban iyo daliil kaaga siiyo.

DIIDDANE: inkastoow nin door yahay asaaggiina tiro iyo tabba u muuqdo in uu ka badan yahay haddana nasiib uma yeelan garashana ma ay tusin inuu si hagaagsan uga faaiideysto ugana faaiideyo walaalihii ilmo Deelleey iyo odagaa Dan-laawi ee daris iyo dir wadaagtaba yihiin.

DIIDDANE: waqtigiisa waxa uu ku lumiyay diidmo iyo inuusan dariskii iyo ilma deelleey la wadaagin Calaf, Cood, camal iyo wax kastoo Bulsho wadaagto.

DANEYSTE: Inkasta oo uu qorshaha iyo qalinkaba ku duugay inuu fiirsado tantiisa hadana Daneyste dantiisii ma gaarin oo waligii dacwo iyo waxaan dani ku jirin buu la soo jeedaa.

Waqtigiyo nasiibku haddii uu u daneeyay ma sii dareensan in uu dariskiisa danta maqaddada ah uga xiran tahay.

Ilmo Deelleey iyo oday dan-laaweba ayuu la wadaagaa damaca ma dhaleyska ah oo waqti badan lagu lumiyo iyo duruusta waayaha oo aan darsi laga qaadan.....

Lasoco Qeybta 2aad

W/Q: Axmed Siigaale
Siigaale000@gmail.com

Post a Comment

Previous Post Next Post