Xog Dhab ah: Colaadda Caabudwaaq.


Magaalada Caabudwaaq ee waqooyiga Gobolka Galgudud oo kamid ah magaalooyinka ugu bulshada iyo ganacsiga wanaagsan Gobolka Galguduud waxaa ay marti u noqotay dagaallo aan macne ku fadhin oo dad walaalo ah ay isku laayaan.

Sanadkaan gudihiisa ayaa tiro ka dhowr jeer waxaa magaalada caabudwaaq ku dhintay dad ehel iyo qaraabo ah oo si aan xikmadi ku jirin isugu dilay gudaha magaladaas iyadoo isku dayo badan oo lagu xallinayo colaaddaas ay noqdeen kuwo guul darreystay.

Yaa ka dambeeya Colaadda

Muuqaalka guud ama fasirka bulshada u muuqda ayaa ah dagaal u dhexeeya dad walaalo ah oo aanooyin qabiil hore uga dhex dhaceen Waxaanse la qarin karin dagaalkaan iney ku jiraan gacmo ka baxsan kuwo deegaanka.

Xog badan ee aan ka ururiyey qeybaha kala duwan ee bulshada Caabudwaaq oo ay ku jiraan masuuliyiin kala duwan ee deeganka ayaa ii xaqiijiyey in dagaalka caabudwaaq kusoo noqnoqonaya ay gacmo kale ku lug leeyihiin

  • Maamulka Kilinka 5aad
Ciidamada Liyuu Boolis ee ismaamulka Soomalida ITOOBIYA ayaa Magaalaada Caabudwaaq waxa ay ka sameeyaan howl galo qorsheysan oo hadba ciddii ay u baahdaan habeen madow guryaha ka kaxeysta iyagoo isticmaalaya ama adeegsanaya shakhsiyaad u dhashay deegaanka waxaana nolol iyo geeriba aan meel lagu sheegin dadban oo Ciidanka Liyuu boolisku ka wadteen deegaanka.

Dhibaatada liyuu boolisku ka geystaan caabudwaaq waxa ay kala shaki iyo colaad dhex dhigtaa dadkii deegaanka ku wada noolaa taas oo ugu dambeyn gacan ka hadal isu bedesha.

Liyuu boolis ayaa dad badan si gardarro ah ugu gumaaday deegaanka caabudwaaq iyo nawaaxigeeda iyadoo Liyuu boolisku beegsadaan dadka la shaqeeya ama ay uga shakiyaan iney gacan saar la leeyihiin Maamulka Galmuduhg.

Dhowr jeer ayaa Xildhibaano ka tirsan Galmudug iyo odayaal dhaqan ee kasoo jeeda Cabudwaaq waxa ay handadaad iyo caga jugleyn kala kulmeen kooxaha Liyuu booliska ee Saaldhigyada ku leh meelo aan sidaa uga fogeyn Degmeda Caabudwaaq.


  • Maamulka Puntland
Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa isna dowr firfircoon ku leh colaadda Caabudwaaq taas oo salka ku heysa colaada kala dhexeysa Maamul Goboleedka Galmudug.

Dadka dhalyo iyo dhiig wadaagta ah ee ku wada nool Caabudwaaq ayaa fikrad ahaan kala taabacsan maamulada Galmudug iyo Gobolada dhexe waxaana jirta in beelaha qaar ay gacan saar dhow la leeyihiin maamulka Puntland iyagoo ka soo horjeeda in Maaamulka Galmudug uu ka howl galo Degmeda Caabudwaaq.

Si kastaba ha noqotee dadka walaalaha ah ee caabudwaaq ku diriraya waxa ay u baahan yihiin xal iyo nabad waarta wax walbana waa in ay ka hormariyaan danahooda gaarka ah.

Bulshada ku nool waqooyiga gobolka galuduud waxa ay ahaayeen bulsho nabada iyo deganaansha looga daydo waa in ay ka midoobaan cadowgooda waxa lama huraanka u ah oo danta mustaqbalkooda ay ka dhex arkaana aysan ka gorgortamin.

W/D: Axmed Siigaale
Siigaale000@gmail.com

Post a Comment

Previous Post Next Post