Iyadoo laga wada ogsoon yahay qiimaha waxbarashadu u leedahay aadamiga dhammaantii ayaa hadana Waxaa jira amuuro fara badan oo ku xeeran waxbarashada iyo dadka baranaya, amuurahaas oo isugu jira kuwo san iyo kuwo xun haba kala gedisnaadeen waqtiga, habka, nooca iyo saameynta dhaw ama dambe oo ay yeelan karayaan amuurahaas.
Dunidaan aynu maanta ku noolnahay waxa lagu kala horumaray oo dadyowga kala tagsiiyey waa heerka cilmiga ee bulsho kastaahi leedahay waatii uu Abwaan Gaarriye lahaa
Waxaa Uumiyaha Hanuunshay
Waxaa Cudurkii Halgaaday
Waxaa Jahligii Halleeyay
Waxaa Gaajadii Hirdiyay
Horseed Cilmiyeed Miyaa?
Dadkaas Heegada is Geeyay
Dadkaas Haqabeelka Gaadhay
Hubqaad kaga Dayo Miyaa?
Inkasta oo Waxbarashada Soomaaliya xilligaan ay tahay mid xoogaa yare hooseeda marka loo eego wadamo badan oo afrikada bari ah ayaa hadana waxaa jira dhibaato ba'an oo soo wajaheysa qaar badan oo kamida goobaha Waxbarashada dalka kuwaas oo cuuryaamin iyo feylo goyn ku ah dadaalkii waxbaridda iyo badbaadinta ubadka soo koraya.
20kii bishaan November ayay aheyd markii Ciidamo hubeysan ay gudaha u galeen goob waxbarasho oo ku tiil magaalada Dhuusamareeb Xarunta Gobolka Galguduud laguna magacaabi jiray Iskuulka Hoose dhexe iyo Sare ee GURMAD.
Iskuulkaa waxaa wax ka baran jiray ku dhawaad 600 carruur Soomaaliyeed oo isugu jiray agoon iyo danyar kunoola gudaha magaaladaas, waxayna waxbarashadaasi aheyd mid ardayda aan laga qaadin wax qidmo ama lacag ah .
Hirgalinta Iskuulkaas ayaa wax lahaa dhallinyaro Soomaaliyeed oo hore wax ugu baratay deegaanka isla markaana xilligaan ah kuwo laftoodu waxbarashada heer jaamacad ku jira, Dadaal dheer iyo dulqaad badan kadibna waxay dhalliyaradaas oo ku mideysan magaca Urur lagu magacaabo GARAAD ku guuleysteen Baahi tiridda boqollaal Carruur Soomaaliyeed ee ku nool bartamaha Soomaliya oo Si bilaash ah wax uga baran jiray iskuulka GURMAD.
Mar qura ayaa lagu arkay Gudaha iskuulka GURMAD Ciidamo ay wataan Mursal Xeefow, iyo Max'ed Sicid Cumar Orey taas oo cabsi iyo walwal badan ku abuurtay carruur fara badan oo aad u da'yareed ee iskuulka wax ka baraneysay.
Waxaana si aan sharci aheyn furayaashii iskuulka looga fara maroojiyey Maamulaha iskuulka kadib markii qori lagu qabtay iyadoo mar qura ay kala yaaceen ardaydii iyo macallimintii iskuulka GURMAD, gacan ku heyntii iskuulkana waxaa la wareegey kooxihii hubka lasoo galay iskuulka.
Waxaa illaa iyo haatan jawaab Maangal ah loo helin sababta iskuulkaas ciidamada looso galiyey qasabna loola wareegay masuuliyaddii iskuulka iyadoo muddo usbuuc ku dhawna ay hakad ku jirto waxbarishadii carruurtii wax ka dhigan jirtay iskuulka GURMAD.
Waxaa lasoo sheegayaa iney jiraan dano shakhsiyeed oo kala duwan oo ay kala lahaayeen dadkii ku mideysnaa joojinta waxbarashadii kasocotay iskuulkaas, Hase yeeshee waxa kaliya oo hadda muuqda ayaa ha in aysan jirin wax waxbarasho ah oo ka socota Xaruntii iskuulka.
Ficillada guracan oo saameynta mahadhada ah dhigaalka taariikhda ku yeesha ayaa waxa kamid ah dhacdadan ka dhacday Dhuusamareeb oo lagu soo weeraray iskuul ay si bilaash ah wax kaga baran jireen carruur isugu jirtay agoon iyo kuwo kasoo jeeda qoysaska danyarta ah ee ku nolaa Magaalada.
Waxaa habboon inta goori goortahay in la badbaadiyo mustaqbalka carruurtii waxkabaran jirtay iskuulka GURMAD kuwaa oo qaar badan oo kamida halis ugu jira ineysan dib waxbarasho ugu laaban waayaan maadaama ay xusuusta qalbiyadooda ka muuqankarto ama wax u dhibi karto ciidamadii hubeysnaa ee barqo cad soo weeraray iskuulkooda.
W/D: Axmed Siigaale
siigaale000@gmail.com
Post a Comment