TIMIRTII HORE DAB LOO WAA.!!

Sida aan la socono baryahaan waxa socda dood aad u adag oo u dhaxeysa Xuduud badeedka u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya taa oo si cad Kenya ay isgu dayayso iney boobto hantideena Badeed.

Si lamida waxa hore u jiray walina taagan heysashada dhulal Soomaaliyeed oo ay gacanta ku hayaan Kenya iyo Ethoipia kuwaa oo aysan jirin cid ka hadasha iska daayee qof xitaa sheegan kara dhulalkaa maqan.!

Waxa la rumeysan yahay in boob fara badan oo hor leh dhulka Soomaaliyeed Bad iyo Barriba uu wajihi doono maadaama dowlad awood leh oo dhowri karta hantida Qaranka nooc kwalba oo ay leedahay aysan hadda jirin.

In badan ayaa dowladdii Soomaaliyeed ka hadashay boobka iyo maqnaasha dhulalkeena iyadoo Umadaha midoobay tiro ka dhowr jeer  loo gudbiyey Dacwado noocaan oo kale ah waqtiyadii dowladdii dhexe ee Soomaaliya mana jirto haba yaraatee wax muuqda ee laga qabtay.

Cadowtooyada loo qabo umadda Musliminta ah ee bariga afrika ku nool ee Soomaaliyeed ayeysan mar kasta helin tixgalin iyo wax ka qabasho cabashooyinkeeda ku aadan xuduuda bartiga iyo badda.

Waxaa jira murti Soomaaliyeed oo oraneysa “ TIMIRTII HORE DAB LOO WAA.”!!  Taa oo cadeyneysa filashada in aan wax weyn laga qaban dacwaddeena ku saabsan muranka Soohidin badeedka ka dhexeeya Soomaaaliya iyo Kenya.

GABANGABO

Si aan uga gaashamanno damaca soo badanaya ee dhulkeena iyo Baddeena oo ay sabab u tahay tabar darrida dowaladnimada Soomaaliya waxaa haboon qof kasta inuu taageero dhismaha Dowladnimadeena gaar ahaan dhismaha ciidanka Qalabka sida lagana qeyb noqdo.

Qof kasta in uu ka tanaasulo rabitaankiisa shakhsiyeed una tanaasulo dowladnimada ayaa ah waxa lagu hanan karo Cudud buuxda oo lagu baqdin gali karo cadowgeena nooc kasta ee uu leeyahay.

W/Q: Axmed Siigaale
Www.Siigaale.com

Post a Comment

Previous Post Next Post